Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Qaylo Dhaanta Waa Maqleysaan Meel Kasta Ka Taagan .. Gudoomiyaha Aqalka Sare Ee Itoobiya Kheyriya Ibrahim Oo Diiday Kali-Talisnimo Dhismeysa Si Ka Baxsan Dastuurka - Isna Casishay

Tuesday - June 9, 2020



Afhayeenka golaha Federeeshiinka ee dalka Itoobiya Khayriya Ibrahim ayaa sheegtay iney diiday in si ka baxsan dastuurka kal--talis ah loo isticmaalo, sidaa daraadeedna ay uga tagay shaqadi gudoominmada .. is casishay

Kheyriya ayaa tiri: Dowladda talada dalka Itoobiya hadda hayso waxay isku dayeysaa iney qodobbada dastuurka ay isku walaaqdo si ay u kororsato mudda xileedkeeda, taasna ma aha mid aan qaadan-karo

Khayriya oo ka hadashay xilka guddoomiyen-imo iney ka tagto waxa ku kallifay: “Koox kelitalis ah oo malinwalba dastuurka dalka ku xadgudbeysa inaan la sii shaqeeyo diyaar uma ihi”, ayey tiri.

“Si ka baxsan dastuurka oo aan horay looga baran dalka Itoobiya ayey isku dayayaan in qodobbada dastuurka loo macneeyo ama wax looga beddelo.”

“Arrimahaasi oo dhan oo ay dowladda waddo oo khalad ah, haddana mas’uuliyiinta rabitaanka dowladda ka horyimaadda waxay maalin walba la kulmaan hanjabaado joogta ah” ayey tiri.

“Markaan noqonayey afhayeenka golaha Federeeshiinka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya waxaan ballan qaaday inaan dastuurka ixtiraamo isla-markaana aan ka shaqeeyo sidi loo ixtiraami lahaa, marka dastuurka in lagu xadgudbo oo aan dowlad kelitalis ah oo dhismeyso aan garab u noqdo ma doonayo, sidaana ay xilka uga tagtay” ayey tiri.

Khayriya Ibrahim oo muddo laba sana ah soo ahayd guddoomiyaha aqlka sare ee dalka Itoobiya oo ka hadashay sababha ku kalliftay iney xilka ay haysay iska casisho, ayaa sheegtay talaabbada ay dowladda hadda jirto ku dhaqaaqday ay tahay mid ku xadgudbaysa awoodda xukun ee ay leeyihiin shucuubta iyo qowmiyadaha dalka Itoobiya.

Iscasilaadda Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Itobiya Khayriya Ibrahim ayaa ku soo beegmaya xilli ay xildhibaannada ka soo jeeda deegaanka Tigreega ee ka tirsan aqalka hoose ee dalka Itoobiya ay shaly su’aalo kulul weydiiyeen ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed ayna ku eedeeyeen iney dowladdiisa ay shacabka Tigreega gacan bidixeyso.