Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Qiisadi Wabiga Niil Ee Masar .. Webigi La Kala Dooreynsiyey Rabitaankiisa Inu Ku Socdo Amase Amarka Alle

Wednesday - July 1, 2020


Markii la furtay Masar ayay reer Masar u yimaadeen Amiir Camr Bin Al Caas kadib markii la gaaray Bil ka mid ah Bilihii ay tirsan jireen Cajamta, waxayna ku yiraahdeen:" Amiiryahow! waxaan lahayn Caado Sanadkan haddii aanan sameynin uusan webiga soconeynin'' .. Amiirki waxuu ku yiri:" Oo maxay ahayd?

Waxay Yiraahdeen: Markay Labo iyo Toban casho ka tegto bishan baan Gabar qurux badan oo Bikro ah ka soo kaxayn jirnay waalid-keeda oo aan waalid-kuna siin jirnay wax ay ku raalli noqdaan. Markaasan dusheeda saari jirnay (yacni u xiri jirnay) Xulliyad iyo Dhar aad u qurux badan oo ah wax la xirto waxa ugu wanaagsan, saan webiga ku tuuri jirnay.

Waxuu yiri Camr Bin Al Caas:- Tani waa mid aanan ku habbooneyn diinta Islaamka ah. Waayo Islaamku waxuu tiraa wixii ka horeeyay .. Markaa bay iska  laabteen, Webigiinna sidii ay sugayeen ma iman oo waxyar iyo wax badanba midna ma dhaqaaqin .. Markii ay xaaladdii ku darraatay buu Camr Bin Al Caas warqad u qoray amiirkii Mu'miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab isagoo kula socodsiinaya arrintaasi .. Markaasuu Cumar warqad usoo diray dhankii Camr Bin Al Caas isagoo ku oranayo:- Waad asiibtay sidaad sameysay, waxaana kuu soo diray warqad ay ku dhex jirto warqad kale ee ku dhex tuur webiga .. Markii ay warqaddii soo gaartay Camr Bin Al Caas oo uu furay si uu u akhriyo waxuu ka akhriyey sida tan: 

Ka Timid: Addoonkii Alle: Cumar Amiirkii Mu'miniinta.
Ku Socoto: Webiga Niil Ee Reer Masar. 

Intaa dabadeed: Haddii aad ahayd mid ku socda Amarkiisa iyo Rabitaankiisa haddaba ha socon kuumana baahinine .. Haddiise aad ahayd mid kusocday amarka Allaha kaliga ah ee awoodda badan isaga ayaa ku socodsiin-doono. Waxaana Alle Sarreeye weydiisaneynaa inuu ku socodsiiyo''.

Markii uu Camr bin Al Caas warqaddii akhriyey buu inta qaaday ku tuurey Webigii Niil. Markaasay Reer Masar waabariisteen aroor Sabti ah webigii oo socdo oo biyuhu qulqulayaan. Halkaas bay ku dabar go'day caadadii foosha xumeyd ee ay reer Masar haysteen, illaa maantadanna wuu socdaa webigii Niil oo muusan istaagin. Fali-laahil Xamdu..