Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Walaa-Xawla .. Sawir Dhaqaajiyey Quluubta Malaayiin Bulshada Dalka Hindiya Iyo Meelo Badan Ee Caalamka Ah

Friday - July 3, 2020



Sawir muujinaya ilma yar oo da’diisa lagu qiyaasay Saddex jir oo ku dul-fadhiya Meydka Awoowgii ayaa qabsaday baraha bulshada ee dalka Hindiya iyo guud ahaan meela badan oo caalamka.

ILmahan yar oo lagu magacaabo Aayad ayaa la sawiray isagoo ku dul ooynaya meydka Awooga oo qoyskiisa ay sheegeen in ay dileen ciidamada Hindiya ee Kashmiir.

Sawirkan oo caro badan dhaliyay ayaa la qaaday xilli dagaal u dhaxeeya ciidamada Hindiya iyo koox ka soo horjeeda oo ka socday magaalada Sopore ee Kashmiir qeybta Hindiya ay maamusho, waxaana sawirka laga dheehan karay canugga yar oo wajigiisa argagax ay ka muuqato, Awoowgii oo meyd ahna ku dul oynaya.

Haseyeeshee booliska dalka Hindiya ayaa iyaguna soo bandhigay sawir kale oo ay shegeen in ilmahaas yar ay kasoo badbaadiyeen goob ay ku dirirayeen booliska iyo koox ay dowladda dalkaas ku tilmaamtay “argagixiso”.

Qaar kamid ah sawirada ay soo bandhigeen booliska ayaa muujinaya Aayad oo la socda sarkaal boolis ah, sawirkaas oo ay ku tilmaameen in uu caddeyn u yahay sida booliska ay usoo badbaadiyeen.

Dad badan waxay sheegashada booliska ku tilmaameen borobagaando ay ku doonayaan inay ku jahwareeriyaan xaaladda dhabta ah.

Suhail Axmed oo uu dhalay odayga la dilay ayaa warbaahinta maxalliga ee dalka Hindiya u sheegay in aabihii oo lagu magacaabo Bashiir Axmed Khan “laga soo saaray baabuurkiisa, kadibna lagu hor toogtay ilmaha yar oo baabuurka la saarnaa”.

Wuxuu intaa raaciyay in markii aabihii la dilay, meydkiisa ay booliska dusha ka saareen ilmaha yar, kadibna ay sawir ka qaadeen.

Waxaa baraha bulshada la soo dhigay sawiro dhowr oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn cidda qaaday, inkastoo loo maleynayo in uu qaaday qof kamid ah ciidanka Hindiya.

Balse eedeymaha qoyska Khan ay u jeediyeen booliska waxaa ka hadlay taliyaha booliska Hindiya ee Kashmiir, Vijay Kumar oo waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada qoyska.

Waxaa uu Kumar sheegay in odaygaas ay haleeshay Rasaas ay soo rideen kooxdii la dagaalameysay ciidanka Hindiya. Wuxuu intaa raaciyay in ciidanka ay soo badbaadiyeen ilmaha yar, qoyska marxuumkana ay iska eedeynayaan dowladda .. Balse qoyska Khan waxay sheegeen in aysan taas rumeysneyn.

“Sida ay booliska wax u sheegayaan waa mid aan waxba ka jirin, haddii uu aabahay dhexda u galay dagaalka labda dhinac, waxaa meydkiisa loogu tegi lahaa gudaha baabuurkiisa, wax nabar ah oo ka muuqda gaariga ma lahan,” ayuu ku andacooday Axmed oo uu dhalay odayga dhintay.

Mid kamid ah sawirada baraha bulshada qabsaday ayaa waxaa uu muujinayaa Askar xambaarsan canuga yar oo saaran baabuurka ciidanka, ilmeynaya, dhiigna dharkiisa ay ku daadsan yihiin.

Kumar ayaa shirkiisa jaraa’id ka sheegay in qof kamid ah booliska laga yaabo in uu qaaday sawirka Aayad oo dul saaran meydka awoowgii.

Sawirka Aayad oo dul fadhiya meydka awoowgii ayaa dhaqaajiyay quluubta malaayin qof, inkastoo aanan la garaneyni sida saxda ah ee ay wax u dhaceen.

Markii baraha bulshada lasoo dhigay sawirkaas waxaa uu dhaliyay dibadbax ballaaran oo dadka Kashmiir ay uga soo horjeedaan dilka odayga iyo argagaxa ka muuqda ilmaha yar.