Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Norwey .. Magaalo Dadka Ku Dhinta Aan La Ogoleyn Meydkooda In Lagu Aaso

Tuesday - July 7, 2020




Magaalo ku taal Dalka Norwey Oo La yiraah  Longyearbyen oo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaasay Laba kun oo qoys ayaa ah magaalo ka duwan magaalooyinka kale ee dalkaas.

Waa jasiirad ku taala bartamaha dalka Norway oo qofkii ku xanuunsadaa uu ku qasban yahay in uu magaalada isaga baxo ama haddii uu ku dhinto aanan lagu aasi karin magaaladaas .. Dadka naf-qabadka ayaa loo diraa magaalooyinka kale ee Norway, si ay ugu geeriyoodaan, waxaana jira sharci ah in haddii qof uu ku dhinta aysan cidna xabaali Karin .. Sharcigan ayaa magaaladas ka dhaqan galay inkabadan 80 sano kahor,

 Magaalada Longyearbyen oo ah magaalo aad u qabow, inteedana bandanna Baraf ah ayaa mararka qaar waxaa dhacda in qabowga uu gaaro -50 oo ah qabow xad-dhaaf ah.

Hadaba Maxay tahay sababta aanan loogu aasin meydka .. Waa Magaalo Baraf badan
Sanadkii 1918, waxaa adduunka ka dilaacay Hargab lagu magacaabay Spanish Flu, kaas oo ku dhacay Dad lagu qiyaasay 500 oo milyan oo qof .. Meelaha uu ka dilaacay xanuunkaas waxaa kamid ahayd magaalada Longyearbyen oo dad gaaraya 11 qof ay ugu dhinteen, dadkaas oo lagu aasay isla magaaladaas.

Haseyeeshee qabowga magaalada oo aad u daran ayaa waxay keentay in dadkii u geeriyooday xanuunka ee lagu aasay magaalada uusan jirkooda baab’in, taas oo khubarada caafimmaad ay sheegeen inay jirto halis ah in xanuunka ay markale dadku ka qaadi karaan dadkii u dhintay ee lagu aasay magaalada, kuwaa oo jirkooda uusan burburin, walina sidiisi yahay.

Dr. Kirsty Duncan oo katirsan jaamacadda Windsor iyo koox uu hogaaminayo ayaa tegay magaalada, si ay wax uga ogaadaan .. Waxay tijaabo ka soo qaadeen Qof u dhintay xanuunka oo lagu aasay magaaladaas Longyearbyen, waxayna ogaadeen in wali xanuunka Spanish Flu uu jirkiisa ku jiro.
Christian Meyer oo sidoo kale ka tirsan jaamacadda seyniska iyo tiknoljiyadda ee Norway ayaa horay u sharaxay sababta aanan dadka loogu aasi karin magaaladas.
“Sababta dhulkan marwalba barafka ah aanan dadka loogu Aasi karin ayaa waxay tahay in qofka marka uu dhinto halkii la rabay in jirkiisa uu baaba’o uusan sidaas noqoneynin, sidoo kalena barafka uu bannaanka usoo saarayo meydka”, ayuu yiri Christian Meyer.

Wuxuu sidoo kale sheegay in barafkaas uu sii nooleyn karo cudurka uu qofka u dhintay, taasina ay keeni karto in dadka degan magaalada ay qaadaan xanuunka.