Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Xog Dahab Ah Oo Ay Sheegtay Caaiisha Silvia Romano .. Caasho Oo Shaacisay Mudada Ay Ku Qaadatay Akhriska Quraanka Iyo Waxa Ku Dhiiri-galiyey

Friday - July 10, 2020



Caa’isha Silvia Romani ayaa bixisay wareysigii ugu horeeyay .. Gabadhan u dhalatay Taliyaaniga waxaa bishii November ee 2018-kii laga afduubtay Kenya, waxaana la aaminsan yahay in Al-Shabaab ay ku haysteen gudaha Soomaaliya .. Waxaa la soo daayay Bartamihii bishii May ee sannadkan oo dib ay ugu noqotay dalkeeda Taliyaaniga. 

Caa’isha Romano waxay sheegtay in ka hor inta aanan la afduubin ay ka duwaneyd sida hadda ay tahay, wax xirir ahna uusan xilligaas kala dhaxeynin Alle subxana watacaala iyo iyada .. Markii ay yareyd waxay sheegtay inay “fikir khaldan ka heysatay diinta Islaamka oo marka ay aragto dad xiran dharka lagu yaqaano dadka Muslimiinta ah ay u arki jirtay in ay yihiin dad la caburinayo.”

Waxay intaa ku dartay inkastoo “khaladaad badan” ay in ay ka aaminsaneyd diinta Islaamka in haddana laga caawiyay inay wax badan ka fahamto Muslim-ninada waxa ay tahay, oo waxay xustay “inay ahayd qof jaahil ah oo iska indha tiri jiray diinta Islaamka.”

Waxaa ay tiri: Degaanka Chkuma ee dalka Kenya dad badan oo Muslimiin ah ayaan halkaas ku arki jiray, balse taasi ma aysan igu dhiiragelinin in aan qaato diinta islaamka.

“Waxaan arki jiray dad xiran khamiis, maalminta Jimcaha iyo dadka oo salaadda u aadaya misaajidka, balse xilligaas ma aanan daneyn jirin diinta Islaamka”, ayay tiri mar ay la hadleysay wargeyska Laluce ee ka soo baxa dalka Taliyaaniga.

Waxay gabadhan sheegtay in mrkii la afduubay oo la sii watay ay is-weydiisay su’aalo dhowr ah ay ka mid yihiin: “Waxaan u imid Kenya in aan dadka caawiya oo wax wanaagsan ayaa sameynayay ee maxay waxani iigu dhacayaan? Maxay tahay sababta aanan loo afduubanin gabdhaha kale? .. Waxay tilmaantay in markii la afduubay la geeyay xabsi ku yaala gudaha Soomaaliya. “Waxaa is dhahay – dabcan waxaa laga yaabaa in sababta aan dhibkan u marayo ay tahay ka fogaanshaha aan ka fogaaday Allaah, tasina ay tahay sababta la ii ciqaabayo”.
 
Waxay wargeyska u sheegtay in maalmihii xigay afduubkeeda, iyadoo ku jirta meel xabsi walibana xilli habeen ah ay markii ugu horeysay maqashay duqeyn dhanka cirka oo ay “diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka fuliyeen halkii ay joogtay.”

Waxayna sheegtay in ay aad u naxday oo ay ka walwashay in ay dhiman doonta oo aysan dib dambe u arki doonin qoyskeeda, waxayna tiri: “Waxaan ku duceystay – Allahayoow i badbaadi, waxaan doonayaa in aan markale arko qoyskeyga”.

Waxay sheegtay in xilligaas ay ahayd markii ay Alle “si toosh ah ula hadashay”.
“Markii aan badbaaday waxay ahayd xilligii aan Alle u laabtay oo aan ku shukriyay, dareemayna in aan ka fogaaday Allihii i abuuray”, ayay ku dartay hadalkeeda.
Muxuu ahaa xiriirka ka dhexeeyay Caa’isha iyo Quraanka?

Intii ay ku jirtay gacanta kooxdii afduubatay, Caa’isha waxay sheegtay in ay bilawday barashada iyo fahamka Qur’aanka kariimka, waxayna intaa raacisay in markiiba ay qabsatay xarigga Alle.
“Marka koobaad, waxay igu qaadatay 2 bilood in aan Qur’aanka ku akhriyo oo wax isburinaya kuma arag, markii dambena waxaa wakhti ku bixiyay fahamka, waxaan dareemay kalsooni illaa markii dambe aan jecladay diinta Islaamka”.

“Aayado badan oo Qur’aanka ah ayaa runtii qalbigeyga dhaqaajiyay, waxayna ila ahayd marwalbo oo aan akhriyo in Alle uu anniga si toos ah iila hadlayo, waxaan sidoo kale akhriyay aayado ka mid kitaabka Bibble-ka, waxaana halkaas ka ogaaday waxyaabaha ay ka siman yihiin Islaamka iyo Krishtaanka. Ugu dambeynna waxaan Qur’aanka ka fahmay wadadii saxda ahayd ee Alle igu hagi lahayd oo ah in aan qaato diinta Islaamka”, ayay tiri Caa’isha Silvia Romano.
Markii ay qaadatay diinta Islaamka ayay sheegtay in ay “ogaatay in Alle uu jecel yahay, kuna hanuuniyay wadada saxda ah.”

Ka hor inta aysan qaadanin diinta islaamka, waxay aamintay in “diinta islaamka ay tahay wadada saxda ah,” ayna go’aansatay in ay qaadato diinta Islaamka, intii ay joogtay Soomaaliya, balse haddana waxay ka walaacday sida bulshada ay ka timid ay uga falcelin karaan is badelka ay sameysay, waxayna tiri: “Waxaan Alle ka baryay in uu iimaankeyga xoojiyo, igana xijaabo waxwalba oo iiga iman kara qaadashada diinta Islaamka”.

Markii ay Caa’isha dib ugu noqotay dalka Talyaaniga, waxay sheegtay in dadka ay si la yaab leh u fiirin jireen marka ay arkaan iyadoo ah gabar caddaan ah, xiranna xijaab.
 
Mar wax laga weydiiyay sida ay ku xulatay magaca Caa’isha waxay sheegtay in hadda kahor oo ay joogtay Talyaaniga in ay ku riyootay iyadoo la baxday magaca Caa’isha, markii diinta Islaamka ay qaadatay ay la baxday magacaas.

“Dulqaad, wanaag” iyo waxyaabo badan ayay sheegtay in ay ka baratay diinta islaamka, haddana ay noolasheeda is badashay.
Waxaa kale oo ay sheegtay in marnaba aanay fileynin in dadka ay garanayaan, waxayna intaa raacisay in bishii Ramadaan ay “hadiyado badan ay ka heshay dad kala duwan oo soo booqday,” inkastoo ay jireen dad u hanjabay, go’aankii ay qaadatayna uu dood ka dhaliyay baarlamaanka dalka Talyaaniga.

“Dad badan ayaa si wanaagsan iila dhaqmay, dib ayaana ka ogaaday in ay jiraan dad u dhashay dalka Talyaaniga oo heysta diinta islaamka,” ayay ku sheegtay wareysigii ay bixisay.

Silvia Romano, oo ah 25 sano jir ah, ayaa markii ay Rome ka degtay waxaa hab siiyay oo laabta geliyay waalidkeeda iyo walaasheeda, waxaana salaamay ra’iisul wasaaraha Talyaaniga iyo wasiirka arrimaha dibadda.
Caa’isha Silvia Romano ayaa horraantii sannadkan laga soo daayay maleeshiyaad looga shakisanyahay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab, inkastoo ilaa iyo hadda aysan ka hadlin afduubkeeda.

Ciidammada sirdoonka Talyaaniga ayaa sheegay in xaqiijinta soo daynta gabadhaas ay gacan ka gaysteen Soomaaliya iyo Turkiga.
Caa’isha Romano, oo u shaqeynaysay hay’adda samafalka Talyaaniga ee Milele Onlus, ayaa Rag hubaysan waxay sannadkii 2018-kii ka afduubteen hoteel ku yaal tuulo yar oo ka tirsan deegaanka Kilifi, ee koonfur bari waddanka Kenya.