Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Taariikhda Duuga Ah Waa In Dib Loo Xasuusto .. Geesigi Erdogaan Dube Weyn La Soo Kacay Gaalo Dacas Ka Dhigay Oo Mar Labaad Dib U Furtay Masjidki Istanbuul .. Alaahu Akbar

Sunday - July 12, 2020


Masjidka Aayaa Soofiya waxa dhistay imbiraadooriyadii Baysantayn 1500 oo sano ka hor waagaas oo magaalada Istanbul ee uu dhismahani ku yaal la odhan jiray Constantinople .. Waxa uu dhismuhu ahaa mudo dheer kaniisad weyn, hase yeeshee waxa ay imbiraadooriyadii Cismaaniyiintu gacanta ku dhigtay magaaladii Constantinople ee uu ku yaallay cah-digii uu Maxamed Al-Faatix markii taariikhdu ahayd 29 May 1453.

Suldan Maxamed Al-Faatix ayaa markii dambe ka dhigay goobta Masaajid weyn oo dib ayaa loo dayac tiray dhismaha waxaana lagu daray dhisme cusub oo Mixraab xaga Qiblada ah. Laakiin quruxdiisa iyo qaab dhismeedkiisii guud waxba lagama bedelin ee waa la sii bilay.

Waxaa Suldaanku u xilsaaray farshaxankii ugu xirfadda badnaa waagaa in ay ku sharaxaan dhismaha qoraallo aayado Quraan ah oo inta badan ah waxyaabaha lagu yaqaan in lagu qurxiyo Masaajidada.
Gudaha Aayaa Soofiya

Tan iyo waagaa markii ay Cismaaniyiintu gacanta ku dhigeen magaaladii Constantinople ee magacii magaalada loo bedelay Istanbul oo noqotay magaalo madaxdii khilaafada, waxa uu dhismaha Aayaa Soofiya ahaa Masaajid, Hase yeeshee markii ay duntay khilaafadii Cismaaniyiintu Dagaalkii Labaad ee Dunida ka dib, ee uu Mustafa Kemal Ataturk aasaasay Jamhuuriyadda Turkiga ee casriga ah, ayaa sannadkii 1953, oo ah Sagaal sano uun ka dib markii dawladi Turkiga ee lagu dhisay mabaa’diida Cilmaaniyada la hirgeliyey, waxa la go’aamiyey in dhismahaa laga dhigo goob Matxaf.

Matxafkaa waxa uu tan iyo waagaa soo jiidan jiray oo u dalxiis tagi jiray in ka badan Saddex Milyan oo qof sannadkiiba, Laakiin tan iyo sannadkii 2013 ayaa hogaamiyeyaal diineed oo Muslimiin ahi bilaabeen olole ay ku doonayaan in mar labaad lagu soo celiyo Aayaa Soofiya masaajidkii uu ahaan jiray.

Go’aankaa madaxweynaha iyo maxkamadda dalkaasi ku ansixiyeen in masaajid lagu soo celiyo dhismaha ka dib, ayaa wuxuu haatan si rasmi ah u noqday Masaajid. Markii ugu horaysay ee muddo dheer ka dib laga eedaamo Masaajidka ayaa dadkii hor tubnaa maalintaasi damaashaad iyo Takbiir farxadi ka muuqatay ku soo dhaweeyeen.

Qaar badan ayaa aad u ammaanay go’aankaas oo ku nuuxnuuxsaday in Aayaa Soofiya tahay goob leh summad Muslim, halka kuwo kalena talaabadaa dhaliileen oo ay sheegen in ay aad uga fogtahay nidaamkii Cilmaaniga ahaa ee Mustafa Kemal Ataturk seeska u dhigay.

Waxa kale oo iyaguna jira faalooyin ay qoreen saxafiyiin kale oo ay ku sheegayaan cawaaqibka ka dhalan kara go’aankaas, gaar ahaan marka la eego xiriirka Turkiga iyo dalalka reer Galbeedka.
Madaxweynaha Turkiga