Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Silsiladi Taariikhda Macaawiye .. Xikmadi Amiir Macaawiye Ee Sababtay Inu Xukumka Arlada Islaamka Ku Raago 40 Sano Oo Xariir Ah

Monday - July 13, 2020




Waxaa laga wariyey Mucaawiyey Ibn Abi Sufyaan laftiisa in Nin Reer baadiya ah inu u yimid oo dabadeed weydiyey Su'aal ah : Amiir Macaawiyow adigoo raali iga ah side baad Reer Shaam u xukuntay 20 Sano adigoo ah amiirkooda, haddana u xukuntay cariga islaamka 20 Sano adigoo Khalifki islaamka noqday.

Amiir Macaawiye Ibn Abu Sufyaan ayaa sidaan ugu jawaabay ninki reer Baadiyaha ahaa oo yiri:  Aniga sideydaba meel Hoo u baahan hadal Kuma dayo .. Meel aan hadal ku daaweyn-karo Shabuug ama Jeedal uma qaato, laakiin Haddi dani igu khasabto seefta Ayaan galka ka siiba.

Amiir Macaawiye oo jawaabtiisi si wata ayaa hadalkiisi si raaciyey : Ummadda aan xukumo waxaa isugu kaaya xiran Tin oo wax ka jilicsan aysan jirin ..  Shacab-keyga haddey Tin-kaas noo dhaxeya jiidaan si uusan u go'in awgeed aniga ayaa dabciya, laakiin haddi ay xagooda ka dabciyaana aniga ayaa jiidaya.

Macaawiye Allaha Rali ha ka noqde wuxuu ahaa ninki Lixaad ee soo mara khilaafadi islaamka, wuxuu ahaa ninki Aasasay Dawladi ku magacwneyda Umawyiinta caasimada uga dhigay Dimashaq

Amiir Mucaaweye wuxuu khilaafada islaamka qabtay sanadki 41 ee Hijriga wuxuuna dhintay bishi Rajab sanadki 60 ee Hijriga .. Macaawiye wuxuu ku dhashay Makka, wuxuuna islaamay Sanadki 8-aad ee Hijriyada u Nabigeena SCW u furay Makka loona yaqaan Caam Al- Fatax, kadibna Madiina ayuu la joogay SCW, isagoo noqday ninka u kala qora warqadaha Nabiga SCW iyo Carabta kale .. Macaawiye waxaa Nabiga SCW ugu duceeyey in ilaahay baro Qoraalka iyo Xisaabta Cadaabtana ka ilaaliyo