Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Dameer Sayax Daaqay Iyo Sabool Dibiray-ba Danaani-gooda Baa Looga Baxaa .. Barlamaanka Fedaraalka Oo Ku Talaabsanaaya Isu Codeyn Muddo Kororsi Laba Sano Ah

Saturday - August 1, 2020



Madaxweyne Farmajo iyo Guddoomiye Mrsal oo beryahaan si xun isula baxay ayaa wada higsi qorshe baarlamaanka loogu kordhinaayo Muddo laba sano ah, qorshahaas oo qayb ka ahaa kuwi lagu riday Kheyre .. Warkaan oo la xqiijinaayo ayaa sheegaya in bartamaha bishaan intaan la gaarin uu baarlamaanka u codeyn-doono muddo kororsiga, kadibna waxaa xigi-doona magacaabidi mid Raiisal Wasaare reer loo maqaar saaro oo isna la doonaayo inu helo muddo kordhin.

Cod-qaadista xildhibaanadu ku koror-sanayaan waqtiga ayaa la qorsheynaya iney u dhacdo qaabki Raiisal Wasaaraha Kheyre lagu khaarijiyey .. Madaxweyne farmaajo iyo gudoomiye Mursal waxay kalo heshiis ku yihiin in la burburiyo gabi ahaanba shirki dhuusamareeb, si loo xoojiyo muddo kordhinta.

Dhinaca kale, Beel-Weynta bushada somaalida ee muqdisha ku nool ayaa horay dhawr jeer si baaq ah ugu dikriyey in baarlamaanka iyo madaxweyne Farmaajo aysan indhaha la sii raacin meel aan laga rabin iyo wax loogu yeero muddo kordhin .. waayo ayey leeyihiin Farmaajo xeer qabta ma jiro iyo xarig lagu xirto-toona, balse isagoon Sagaaro dhangad ku dhufan ayuu leeyahay waxbaan qabtay ee muddada ha la ii kordhiyo, taaso ah mid aan la yeeli-karin oo kacdoon laga xigo.