Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Dooqon Dibir Kama Dharagto .. Beesha Caalamka Oo Amaro Is Daba Jooga Dul-dhigtay Madaxeyne Farmajo

Sunday - August 2, 2020



War laga xigtay siyaasiyiin Somli xirir dadban la leh qaar ka mida diplomaasiyiinta beesha caalamka e xalane ku sugan oo u sir-warantay, ayaa war ay sheegayeen ku xusay in madaxweyne farmaajo oo dagaal siyaasadeed lagula jiro awgeed baa waxaa amar lagu siiyey in ninka madaxiisa taajka Raiisall waasaare la saari-doono usan noqon mid isaga jeebkiisa u kala soo baxay, balse marxaladaan adag awgeed u shakhsiga ahaado mid magacaabidiisa loo wada dhan-yahay, iyadoo masuulkaas la doonaayo inu ahaado mid dhex-dhexaad ah oo dan umadeed ka talinaaya balse ujeedkiisa aysan noqon xoogsi iyo dantaa u adeego.

Warka ayaa intaa la raaciyey in madaxweyne Maxameed farmaajo soo jeedintaas aqbalay, hasa-ahaate inkasto taladaas u markaas qaatay haddana waxaa la aaminsan-yahay inu yahay Qof caleentiisi xaga siyaasada ka dhamaatay oo sidaa daraadeed meel kasta isku qaadaya iyo isagoo is yiraahda malaha halkaan baad ku badbaadeysa ee ku dhaqaaq .. Waxaa la odorosaya in markaan aragtidisa ay ku shaqeyneyso wax-kasta isa sii kaba raaci si dal iyo dad uga dambeyn.