Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Sheekadaan Oo Malaayiin Dad Ka ILmeysiisay .. Geel Masaafo 1000-Km U Soo Jaray Si Uu ULa Midoobo Qoyskii Lahaa Oo Iska iibiyey

Tuesday - August 4, 2020



Geel uu haleelay dareenka Guri Jamasho oo afka qalaad lagu yiraahdo ‘homesick’ ayaa degay qalbiyada malaayiin Shiinees ah kaddib markii la ogaaday inuu fogaan dhan 1000-km usoo jaray si uu dib ugu soo noqdo guriga Mulkiilihii-lahaa – sideed bilood kaddib markii la iska iibiyay.

Wuxuu soo xulay saxaraha dhulka Mangolia ee dalka Shiinaha isaga oo maalmo badan kusoo jiray safar uu ugu danbeyntii ku soo gaaray halkii uu doonayay.

Geelkani oo ay oogadiisa ka muuqatay nabarro kala duwan ayaa bidhaantiisa la arkay isaga oo cagafeynaya dhulka Saxaraha ah ee Shiinaha .. Geel-jire ka mid ah dadka degaanka ayaa siiyay Magan-gelin iyo Cunno. Wuxuuna ku dadaalay inuu ogaado halka uu kasoo naq-raacay .. Warkiisa siima daahin ilaa uu ka gaaray ninkii lahaa oo ay ka soo lumay, Balse hadda waxaa kaddib ogaanshaha sheekada Geelani ninkii hore u lahaa uu doonayaa inuusan dib ugu celin gacantii uu kasoo baxsaday.

Temur oo ah Geel-jirihii awal iska lahaa Mulkiyaddiisa iyo Afadiisa waxay bishii October sannadkii hore Geelooda ka iibiyeen nin kale oo kaddibna la aaday masaafo u jirta 100 km halka ay ku nool yihiin .. Qacdii hore, geela ayaa u muuqday inuu la qabsaday dabeecadda cusub ee degaanka la geeyey, balse bishan July dhexdeeda wuxuu usoo cararay jihada gurigii uu kusoo qaan-gaaray.

Marka loo eego muqaallo kala duwan oo laga sameeyey qisadiisa, Geelkani wuxuu soo jaray 100 km isaga oo soo maraya buuro iyo dooxooyin ka hor inta uusan ku soo dhicin lama-degaanka u dhow halkii uu kusoo barbaaray.

“Markii aynu maqalnay warkiisa, waxaan doonnay inaan la hadalno Mulkiilihii naga iibsaday Awal, waxaan dooneynaa inaan siino neef kale si aan ugu bedelno,” ayuu yiri Temur.

“Kama iibsan doono qolo kale mar danbe. Waayo waxaan ogaanay inuu si dhab ah nooga mid yahay,” ayay tiri afadiisa .. Sheekada socdaalka Geelkani waxaa daawaday in ka badan 16 milyan kuwaas oo aragtiyo kala duwan ka dhiibtay.

“Aad bay iiga ilmeysiisay sheekadiisa, xooluhu waa baariyaal,” ayuu yiri qof ka dhiibtay aragtidiisa.

Mid kale ayaa intaas ku darsaday oo yiri: “Ma suurayn karno silicii uu usoo maray si uu ugu danbeyntii ula midoobo reerkiisa, waxaa ku dhacay guri-jamasho xad-dhaaf ah.”