Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Weel Waliba Waxa Ku Jira Buu Dhididaa .. Madaxweyne Farmaajo Oo Si Sheegay Inaan Waxba Ka Soo Baxayn Shirka Dhuusamareeb

Saturday - August 15, 2020


Madaxweynaha aan miyir-kiisa joogin ee Farmajo oo siyaasadiisa ku saleysan-tahay ila meereyso ayaa maanta la hadlay Xildhibaanada Baarlamaanka oo halkaas ka cadeeyey inu weli ku adkeysanaayo mawqfkiisi ahaa doorosho ku saleysan Dastuurka, taaso micneheedu tahay Doorasho One Man One Vote ah.

Madxweyne Farmaajo oo maal-mahaan sid Laan dabeylo ruxeyso walhanaya ayaa mar-marsiyihiisa markasta ku saleeya in go'aankiisa u mar walba ku saleysanyahay rabitaanka shacabka iyo dastuurka, wuxuu kalo halkaas ka sheegay in markasta baarlamaanka u leeyahay go'aanka kama dambeysta ah .. warkaas oo loo akhrin-karo In Tuug u Tuug ku xil qarsado.

Arintu si kastaba ha noqote, khudbada madaxweyne u saaka halkaas ka jeediyey golaha shacabka nuxurkeeda wuxuu ku saleysnaa oo u gogol-xaarayey in aysan waxba ka jirin shirka dhuusamareed, balse wixii halkaas ka soo baxa ay baarlamaanka go'aan ka gaarayo.

Sida la ogyahay xubnaha baarlamaan oo iyagu iska walaaqda ayaan waxba ka galin Dal iyo Dad ee xaaladooda waa un ku dul ceesh, kuwaaso geeri iyo mag la'aan umadda dhaxalsiiyey