Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Cirku Waa Daruurinaya Gooru Di'i Yaa Og .. Odayaasha Dhaqanka Hawiye Oo Ka Digay Barbar- riiqadka Shirka Dhuusamareeb

Thursday - August 20, 2020



Warku Daah Ku Wacnaa .. Odayaasha dhaqanka ee beelaha hawiye oo maanta shirweyne ku qabsaday magaalada Mogdisho ayaa si dardaar-werina uga digay madaxda sare ee dawlada Fedaraalka in aanay dalka u horseedin qiiq kale in la huriyo oo qaylo kor u duusho, dabadeedna dalka ay ka dhacdo qalalaase siyaasadeed iyo mid Amni .. waa in miiska maslaxda lagu heshiiyo ayey dhaheen oo aan fawdo qurux la moodin

War Murtiyeed ka soo baxay gunaanadki shirka ayaa odayaasha beesha Hawiye si adag ugu sheegeen in lagama maarmaan ay tahay in doorasho heshiis lagu yahay ay ku dhacdo waqtigeedi, isla markaana aanay marnaba dhicin waqti lumis iyo mabda' miriray aan shaqeyneyn oo mudo kordhis lagu raadinaayo. balse gacmo wada jira iyo talo ayaa gool lagu dhalin-kara

Beelaha Hawiye gaar ahaan bulshadeeda ku nool Mogdisho ayaad mooda iney ka go'antahay in kacdoon ka bilawdo mogdisho haddi dawlada fedaraalka ay sameyso isku day muddo kororsi.