Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Dhuumasho U Dhabarku Muuqdaa Ma Aha Dhuumasho .. Qodobada Ciirada Isku Qarinaaya Ee Ka Soo Baxay Shirki Sadexaad Ee Dhuusamareed

Friday - August 21, 2020



Inkasto la soo gabagabeeyey Shirki Sadexaad ee Dhuusamareeb oo ay ka soo baxeen illa 17 Qodob, haddana waxaa soo baxay doodo qodobada qaarkood la saluugsan-yahay oo illa xad aan waadix ahayen amase la leeyahay waxaa ku jira qodobo xad-gudub ah.

Doodaha ayaa ugu horaanti dhalilaya in meesha gabi-ahaanba laga saaray kaalinti sharciga Baarlamaanka Aqalka Sare oo u muuqata in si gaara aan sharci ku fadhin xilalki saarnaa loo takooray, isla markaana taas ay xad-gudub ku tahay dastuurka dalka u yaal 

Waxaa kalo si gaara loo dhaliilay Qodobka 9-aad oo sheegaya in doorashada looga dambeeyo guddiga qaranka ee ay Xalimo Yarey madax ka tahay, iyagoo kaashanaya maamul gobleedyada, qodobkaas oo jabinaaya sharciga marki horaba loo sameyey Guddiga madax-banaan ee doorashooyinka oo waajibaad-kooda ku saleysnaa doorasho Qof iyo Cod ama doorasho dadweyne oo micnaha ma ahayen guddi loogu tala galay doorasho dadban, oo taas madaxda gobolada ayaa shaqo ku lahaa .. waqtig la dooranaayey Xasan Shiikh gudigaan waa jiray laakiin lama hawlgalin oo waxaa la magacaabay guddi kale oo doorashada ka hawlgalay

Sido kale, Qodobka 11-aad ee shirka Dhuusamareeb ayaa sheegaya in doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare dooran doonaan Xildhibaanada maamul gobaleedyada sida sanadkii 2016-kii hadaba waxaa isweydiin leh, yaa dooranaya kuraasta 13-ka xubnood ah ee gobalka Banaadir mise markale ayuu gobalkaan weyn doonaa xuquuqdiisa siyaasadeed ee aqalka Sare.

Qodobka 12-aad ee Shirka ayaa sheegaya in natiijada Shirka Dhuusamareeb la horgeeyo Golaha Shacabka ee baarlamanka waxeyna meesha ka saareen awooddi aqalka Sare, iyagoo ku soo koobay oo keliya Golaha Shacabka.

Dhinaca kale Qodobka 5-aad ee Shirka Dhuusamareeb ee sheegaya in cod bixiyaasha 3 ilaa 5tii Kursi ee isku deegaanka ah la isku dhafo lana gaarsiiyo 1,500 oo qof waxeyna dhamaantood u codeynayaan kuraasta degmadaas taal. Arrintaan ayaa sababi karta jawhareer iyo walaac ka yimaada musharaaxiinta Xildhibaanada ee degaankaas maadaama uu cod ka raadinayo dad ka badan 3 laabka ergada beeshiisa.

Arintu si kastaba ha noqote, waxaa heshiiska looga maarmin in ay wax ka saxiixaan Labada Maamul ee shirka uga baaqday sababa jira awgeed si halkaas wixii khalad jira dib loogu saxo.