Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Akhbaarti Zamaanka .. Maqaam Ibrahim Waa Dhagaxi U Ku Dul Istaagay Nabi Ibrahim Marku Dhisaayey Kacbada

Wednesday - August 26, 2020


Dhismihii Kacbadu markuu nin jooggii gaadhay ayuu nabi Ibraahim u baahday wax uu koro, si uu u gaaro dusha sare. Ismaaciil ayuu ku yeeray oo ku yiri "waxaad ii keentaa dhagax aan koro". Ismaaciil dhagax buu u keenay, kolkaasuu nabi Ibraahim intuu kabihii iska bixiyay dhagixii ku dul istaagay. Dabadeed dhismihii sidaa ayuu ku dhammaystiray. 

Waxay la sheegaa in lugihii nabi Ibraahim ku sawirmeen dhagixaas .. Dhaguxu wuxuu ku dhajisnaa Kacbada. Bartaa wuxuu ilaahay ku magacaabay " Maqaamu Ibraahim " Wakhtigii saxaabada ayaa dadku markay xajinayaan waxay isku dagaali jireen inay dhagaxaa arkaan. Markaasaa meesha ciriiri iyo buuq ka dhalan jiray .. Arrintaasi waxay carqaladayn jirtay dawaafka. Xilligii Cumar binu khaddaab talada muslimiinta hayay ayaa dhagaxii meesha laga raray, waxaana la dhigay meel ka yara durugsan Kacbada. 
Hadda waa dhisma yar oo kacbada ku garab dhisan oo lagu magacaabo " Maqaamu Ibraahiim ".
Nabi Ibraahim iyo Ismaaciil Kacbadii way dhammaystireen.
Kacbada waxa samada kaga beegan " Beytul macmuur" oo ah dhisme sida kacbada oo kale, kaasoo malaa'igtu ku dawaafto.

Dhismihii Kacbada kaddib ilaahay wuxuu nabi Ibraahim amray inuu dadka ugu yeero si ay u yimaaddaan .. Nabi Ibraahim cs wuxuu yiri "Rabbigayaw sideen dadka u gaadhsiin karaa?". Ilaahay wuxuu yiri " adiga waxa ku saaran inaad Addinto, annaga waxa na saaran inaan gaarsiinno". Sidaa markii la amray nabi Ibraahim cs wuxuu u baxay buurta " Carafaat", halkaas buu ka dhawaaqay, isaga oo dadka ugu yeeraya Kacbada inay yimaaddaan .. Waa awood ilaahaye markuu dhawaaqay afarta jiho ee dhulka ayuu codkiisii gaaray. Markaasaa wixii dad dhulka dushiisa ku noolaa oo dhani maqleen. 

Intaa uun maahe ilaahay quluubtii dadka ayuu jaceyl ugu abuuray Kacbada. Intaa kaddib dadkii meel walba waa ka yimid. Sidaa waxa ku bilaabmay xajkii .. Intaa kaddib nabi Ibraahim wuxuu iskaga dhex gooshi jiray Falastiin iyo Makka. 

Maalin maalmaha ka mida ayuu nabi Ibraahim cs ilaahay ku yiri " Rabbigayaw i tus sida aad u soo noolayso waxa dhintay? "Ilaahay sw wuxuu yiri" oo miyaanad runaysnayn? "Nabi Ibraahim wuxuu ku jawaabay "haa wan rumaysanahay, laakiin waxaan rabaa inuu qalbigaygu ku dago". Markaasaa ilaahay sw ku yiri " waxaad soo qaadda afar shimbirood. Gawrac oo hilib-koodana yaryaree, iskuna dhex qas. Kaddib afar buurood ku kala sayr. Sidaas markaad yeesho u yeer, waxay kuu imanayaan iyaga oo socda'e. Nabi Ibraahim sidii ayuu yeellay.

Waxay culimadu sheegaan inuu madaxdii shimbiraha ka reebtay. Ka bacdi wuu u yeeray. Isaga oo arkaya ayay hilbihii isa soo raadsadeen. Markaasaa iyaga oo bilaa madax ahi madaxyadii soo doonteen, dabadeedna sidii ay ku dhamaystirmeen. Shimbirihii oo caadi ah ayaa duulay.

Nabi Ibraahim cs waxaa lagu soo dajiyay Suxuf. Waxa ku qurnaa tusaalayaal iyo xikmado.
Wuxuu wakhtigu is riixaba waxa geeriyootay Haajara. Kaddibna Saarah oo da'deeda lagu qiyaasay 127 jir. Haddana waxa geeriyooday nabi Ibraahim cs oo 175 jir lagu qiyaasay. Waxa duugay Ismaaciil iyo Isxaaq, waxaana lagu aasay " Xabroon" oo ku taalla Falastiin, daanta galbeed. Ismaaciil iyo Isxaaq iyagun muddo kaddib way geeriyoodeen. Isxaaq waxa lagu aasay Xabroon, Ismaaciilna Makka.