Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Gobanimo .. Halyeygi S. Dani Oo Shucuubti Arlada Puntland U Soo Hooyey Sharaf, Magac Iyo Guulo Waaweyn

Sunday - September 20, 2020



Maalin-kasta oo ku soo marta waxay kaga tagta xasuus iyo Taariikh gaara farxad iyo murug mid un, waxaana xasuustaas laga dheehdaa geesiyaashii shacab-kooda guulaha waaweyn, sharafta iyo magaca u soo hooyey .. Taariikhda dib baa loo raaca si loogu cibaaro qaato, wixii la soo maray Xumaan iyo Amaan Guul iyo guul-daro, iyadoo Raga geesiyaasha wax qabtay lagu daydo isla markaana lagu faano guulihii ay soo hooyeen. 

Noloshu waa halgan iyo hayaan joogto ah oo qoraal-kaygan kooban waxaan ku soo qaadanaya Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, kadib marki maamulada Puntland Iyo Jubaland Calan Cas loo taagay waa kan muddo kooban u suura gashay inuu magaci, karaamadi iyo sumcadi Puntland sara u qaado, balse Puntland noqoto astaan wadaninimo oo somali dhan ku soo wada hirato .. Mudane Saciid Dani ma laha dabeecadaha dugaaga, ma aha seef la bood, balse waa nin dabci wanaagsan leh oo dadnimo u dhashay, isla markaana goor walba gobanimadu dhaqankiisa ay ka muuqato .. gobanimadana iyo gunimada ma noqon-karaan qolo-nimo iyo dhalasho ee waa wax la kabsado ama la kasban-waayo, hadaan si kale u dhigo laba qof oo walaalo ah ayuu mid Gob noqon-kara kan kalana dhaqan Gunimo yeelan-kara. 
 
Raga magaca guud iyo magta waa ka siman-yahay, laakiin Rabi wax qabad-kooda meel ma wada-marin, oo mid-kasta wax qabta amase wax qaloociya taariikhda ayaa xusta .. Geesi Saciid Dani waxaa maanta hawl-galkiisi iyo walafkii weerarka siyaasadeed la oogay, gedo-gedeynti hadba geed cusub lala soo baxayey iyo xod-xodadi kala iibsigi wakiiladi maamulada qaarkood, kuwaaso dhuux mooye wax kale u dhadhameyn ee ka socotay Villa Somaliya, sidaa daraadeed Deni oo diiday soorta la adeegsaday waxaa bulshada somaliyeed ay ku tilmaantay geesi birlab ah aan liicin wax kasto dhagaha laga waraabshay waa noqon-waayey daba-rux iyo karaamo seeg midna, balse waxoodi oo dhan wuxuu ka dhigay Guuf Timir ka dhamaatay .. Waxaa shiikh iyo shariif, qurba joog iyo gudo joog mid ay yihiinba la isku raacay in Saciid Dani usan ahayen dhuuni raac sanka wax la raaca iyo dhoqorjaa xil loo dhiibay, balse u halkaas iyo madashi shirka ka muujiyey dareenkii shacabka somaaliyeed, wuxuuna si gabasho lahayen shaaca ka qaaday halka ay umaddu u bugto haddi Villa Somaliya iyo Maamulada qaarkood ku kufri-nayaan iyo haddi kalaba .. Dadnimooy Mudnaanta 

Ugu dambeyn mahad ilaah baa leh, oo waxaan la hadlaya dadka xuriyada buuxda ka haysta maskaxda guud ahaan shacabka Somali gaar ahaan shucuubta Puntland oo maanta hambalyadu waa is wada dhaafeysa ee xaalku ha noo ahaado durbaan, heeso iyo mashaxarad guusha u soo hoyeyey mudanaha la jeclyahay ee garbihiisa lagu duulo Madaxweyne Saciid Dani .. Ereyguba hub weeye, oo waa inaan isla markaa dunida gaarsiina inu shacabka u dooran-yahay .. Daaiimkana aan uga dalabno dambi dhaaf.

Tifaftiraha Shabakada Website-ka Galdogob Times: Mohamed Ali Hashi ( Maxamed Bin Cali)