Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Akhbaarti Zamanki Hore .. Qiiso dhacday Iyo Cibaaro La Is Tusay Xiligi Nabi Muuse CS

Monday - October 19, 2020



Xilligii Nabi Muuse CS Waxaa dhacday Abaar ba’an oo aan baad iyo biyo toona reebin waa la eedaamay oo maalmo murugo iyo culeys badani dadki Reer bani-israaiil saarmeen, oo xita hablihi guur isaga hareen oo is kula hadleen: in noloshiba ayaamo tirsan uga hartay, dabadeedna Nabi Muuse ayaa laga codsaday inu Rabi hor istaago oo duco Roob-doon la kaco, kadib sidi caadada u ahayed intu gacmaha kor u taagay yiri: Rabiyow soo ma tihid kan u talia qaruumaha oo dhan, gacntaada waxaa ku jira xoog iyo itaal .. Rabiyow isheyda waxay la gureysa tiiraanyo silica roob la'aanta oo waxaa no haray inta nala ka bud-dhigaayo ee Rabow Raxmadaada Uunkaaga si hagar la'aan ku macsuum Roob .. Markaas-baa ILaahay sareya u waxyooday Nabi Muuse oo ku yiri: Muusow Reerka waxaa ku dhex jira Nin i caasinayey 40 sano ee waxaad amartaa inuu ka dhex baxo reer banu israa’iil.

kadibna Nabi Muuse ayaa inta qoomkiisi kulmiyey ku yiri: Ninka daalinka ee ILaahay Caasinayey 40 sanadood ha ka dhex baxo reer banu israa’iil, adiga awgaa ayaa naloo waraabin waayaye! .. Subxaan Allah, ninkii markuu maqlay fariinti Nabi Muuse ayuu isagoo anfariirsan fiiriyey midig iyo bidixba, kolkuu arkay inaanay cidina ka bixin safkii reer banu israa’iil ayuu nafsadisi isku la hadlay maanta waa maalin ii madow oo hadaad maanta baxdo waad kashifantay, dadkuna way ku ogaanayaan in adiga awgaa Umadda loo waraabin-waayey, kadibna isagoo cabsi la gariiraya ayuu qalbigiisa ka toobad keenay oo yiri: ILaahayoow, waxaan ku caasiyey muddo 40 Sano ah oo haddana saas oo ay tahay aad i asturtay oo cimri-gaygiina dib igu dhigtay, adigaa Macbuudow haddey murugoto xaajo kan wax furdaamiyad tahay ee maanta waan kur-beysanahay oo kuu toobad keenay ee ii miciin oo ii magan gali

Nabi Muuse CS isagoo sugaya ninkii caasiyey inu soo baxo ayaa waxa si kadis ah ku bilaabmay dhibcihii Roobka oo markiiba waa la waraabiyey reer bani-israa’iil .. Nabi Muuse ayaa Ilaahay Sareeyey waydiiyey: ILaahayow, ninkii isagoon soo bixin ayaad na waraabisay? .. ILaahayna wuxuu ugu jawaabay: Rabi waa maqlay baryootanki kii aan awgii idiin ku diiday Roobka ayaan idiinku waraabiyey oo wuu ii toobada keenay! .. Nabi Muuse wuxuu Yiri: ILaahayoow, waa kuma ninkaas wanaagsani? ILaahay wuxuu Yiri; Waxaan asturay isagoo i caasinaya 40 sano ma waxaan kashifaa isagoo ii toobad keenay