Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Qofkii ILaahay Ka Cabsada Meel Uusan Ka Filaneyn Ayaa Laga Arsaaqa .. Qisadi Nabi Da'uud CS IYo Hooyadi Cabashada Ugu Timid

Thursday - October 22, 2020



Waxa la soo wariyaa in Gabar miskiinad ah ilmadu ka da'ayso ay u timid Nabi Daa’uud CS oo markaas waydiisay su’aal yaab leh, waxay tiri: Nabigii ILaahayoow, Rabigaa ma caadil-baa mise waa daalim? Nabi Daa’uud wuxuu yiri: waa Caadil ee maxaa jira? Waxay tiri: waxaan haystaa Caruur yaryar oo aan ugu shaqeeyo inaan tolo Dunta iyo Cudbiga kadibna anigoo Wado maraya ayaa waxa dushayda soo maray Shimbir dabadeedna wuxuu dafay Cudbigii iyo Duntii madaxa ii saarnaa waana duulay, Caruurtaydiina haddaan eebe caymin dhib gaajo ayaan la kulmeynaa oo waxaan siiyo ma hayo!! 

Nabi Daa’uud CS wuxuu yiri: Gabaryahay samirka adkee, ILaahay wuu ku gargaari-doonaaye .. Intii la wada hadlaayey waxa Nabiga u yimid Toban nin oo mid kastaa sadaqaysanayo boqol diinaar oo waxay yiraahdeen: Nabi Allow Anaka oo Doon saaran ayaa doontii naga xumaatay, halkaaso xarkihii ku sameysnaa doonta wada dalooshmeen oo biyo ayaa doonta soo galay, kadibna anago khatar qarka u saaran ayaa Shinbir hayaana dushayada ku soo tuurtay Dun iyo Cudbi waana ka faa’idaysanay oo ku awdnay daldalooladi biyaha ay soo galeen, oo sidaas ayaan Alle nagu badbaadiyey, sidaa daraadeed waxaan ku ballanay ayey yiraahdeen inaanu sadaqaysano xoolahan .. SubxaanAllah, Nabi Daa’uud intuu Xoolihii siiyey Gabadhii ayuu ku Yiri: Rabigaa waa kaaas kaa Arsuqay Badda iyo Barigaba.