Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Baladweyne Ma Goosatay .. General Xuud Iyo Sey U Kala Kacdo Waranka Dhiigeeynaya Taaso Soo Nooleeysay Yidi-diiladii Beesha Xawaadle Ee Naxashka Saarneyd

Thursday - November 26, 2020



Ciidamada Jabhadda ah ee la Magac baxay Xaq u dirirka Hiiraan ayaa lagu soo warramayaa in ay la wereegeen Saaka Kontaroolkii ugu weyn ee Canshuuraha lagu qaado iyo banaanka hore ee garoonka magaalada Beladweyne.

Waxaa lagu soo waramayaa in kooxda oo ah kuwo hubeysan ay ka soo Ruuqaansadeen degaanka Ceel-gaal oo ay horay ugu sugnaayen, waxaana la soo sheegayaa in haatan ay doonayaan in la wareegaan qaybo muhiim ah oo ka tirsan magaalada Baladweyne.

Hogaamiyaha Malleyshiyada General Abuukar Xuud oo ka mida saraakiishi hore ee qaranka ayaa sheegay in sababta ay tahay in sidii ay kaga hortagi lahayeen Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku wajahan Magaladaasi .. kama yeeleyno ayuu jeneralka yiri: shakhsiyaadka Xawaadle ee dabada u ruxaya Cali Guudlaawe sidi Ri' orgoneysa.

Tan iyo Markii maamulka Hir-Shabeelle lagu soo dhisay Magalada Jowhar ee Xarunta maamulkaasi ayaa waxaa soo baxayay qayla dhaanta kasoo yeeraysa Bulshada reer hiiraan, waxaana kasoo dhex-baxay malleyshiyo hubeysan oo sheegay in ay kasoo horjeedaan Maamulka uu Madaxweynaha ka yahay Cali Guudlaawe ee ku yimid meesha boobka iyo beenta u soo abaabulay Fahad Yaasiin ee caqliga kan dameeraha oo kale leh

Jeneral Xuud oo goob fagaaraha dadka kula hadlaayey ayaa wacad ku maray inu sharafi iyo maqaamki reer Baladweyne soo celin doono, isla markaana u qorta ka jari-doono inta besha xawaadle ee la shaqeysa fahad Yaasin