Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Waa Qiiso Ku Suntan Buun-Buuninta Shakhsi Micno Usan Lahayen Loo Yeelay .. Waa Qiiso Af Carabi Laga Tarjumay Kuna Magacaaban: Intaad Saalim Jaceydi Maqli Lahayed Waxaa Ka Fiican Inaad La Kulanto

Friday - November 27, 2020



Nin Caraba ayaa magaciisa la dhihi jiray "Salim Jeceydi" Ninkaas dadka ayaa sheeg-sheega had iyo jeer oo magaciisa uun ayaa Afka lagu wada haya .. ogoow ku cel-celinta badani dhibkeeda ayey leedahay .. Nin bulshada carabta ka mida baa is yiri war Ninka sidaan loo sheeg-sheegaayo waxa u yahay bal ka sal gaar.

Ninkii xuuraan iyo wareysi ayuu ku dhaqaaqay mise Qof "Salim Jaceydi" si toosa u arkay oo uga sheekeya waa u waayey, markaas ayuuba go'aankiisi u si xoogeystay oo hosta ka xariiqay inu ninkaa lagu wareershay madaxana looga cunay mar uun hor istaago iishisana ku soo arko.

Ninki Safar iyo socdaal dheer ayuu galay in uu ninkaa la sheegaayo soo arko .. Geedi dheer ka dib ayuu soo galay degaanki ninkaa lagu sheegay .. Haddu cagta soo dhigay, ayuu isagoo hamuun u qaba ninkaa aragiisa weydiin iyo wareysi galay, mise dadku u yimid waa la yaabeen ninka uu weydiinaayo iyo sida u muqaalka iyo caqliga ka yahay awgeed, waxay ku yiraahdeen iska daa in lagu soo raaco xigmad, garad iyo gar-gooye, kaaga darane qurux iyo qaab qumana ma laha.

Ninki Haddi Laga Ebhiyey aanu ku adkeystay inu arko, ayaa loo tilmaamay aqalka u magaalada ka degan-yahay .. Ninki orod ayuu xaf isku siiyey, oo siduu u sii ordaayey ayuu dalaq ugu yiri gurigi uu magaalada ka deganaa, mise waxaa ka soo hor muuqday "Bide Gaaban" oo calooshu ka soo horeyso .. Ninki intu hilaabtay oo indhaha isku qabtay ee haddana kala furay, dabadeed isagoo rumeysan la' qofka ka hor muuqda inu yahay "Salim Jaceydi"  iyo in kale ayuu mar kale indhaha ku ceshay oo waliba ku gubay si uusan ugu ekaan inu arkaayo sawir ama humaag uun kaliya .. Ninki Ninki Saalim ahaa ayuu la galay wareysi iyo wax weydin mise maba aha sidi wax loogu sheegay oo axwashiisaba waa akhas oo xita laba Erey iskuma xiririn-karo .. Ninki socdaalka ku yimi oo yaaban waxaa isu qaban-waayey, waxaa magaalada u Saalin Jaceydi dagan-yahay looga sheegay iyo middi uu markuu magaciisa maqli jiray ka haystay ayaa isu qaban-waayey. 

Ninki markaa ayuu inta soo gadoomay oo reerki u ka baxay iyo degaankiisi ku soo laabtay, waxuu la kulmay dadki oo weli ninki "saalim Jaceydi" ahaa amaan ula dhaqaaqaya, Kadib ninki oo yaaban ayaa laga reebay hawraartaan cajiibka ah: "Intaad "Salim Jaceydi" Maqli Lahayed inaad la kulanto ayaa ka wanaagsan"
-------------------------------
Akhristow, Maxaa nalo buun-buuniyey mid maskax maran dadnimo dibada ka ah, oo nala ku yiri waa carrabki Ummadda waa geesigi cadaalada waa mu'danki xaq sheega waa garsoorihi wanaaga iyo xumaanta waa hogaamiye Rug-cadaa ah oo wixii afkiisa ka soo baxa xigmad awgeed waa la kala boobaaya. 

Akhristow, Maxaa naloo qurxiyey mid fajac abuura wax kala dila oo nala ku yiri waa halgamihi aan mar kaliya ka wahsan wax u sheega ummadda oo waa nin isbadal Doon ah .. Maxaa mid Tuug iyo beenaale ah nala ku yiri waa Alle Yaqaan aan qalbigisu baqashada aqoon .. Maxaa mid ummadda Dab ku shida nala ku yiri waa dirac.

Akhristow, Maxaa nin Agoon qalin ku xaday nala ku yiri waa Aamin khayr qabe ah .. Maxaa mid dadka fadqalalo iyo dhibaato dhex dhiga la yiri waa caadil xaqu u dirir ah .. Maxaa mid shisheeye la qooq dab-dhilf ah nala ku yiri waa wadani .. Maxaa Qashaabiir Is Biirsatay naloo Faaniyey .. Maxaa mid aqoon dibada ka ah una qalmin lagula kufay xil aanu qaadi-karin .. Maxaa naloo kool-kooliyey mid markaad aragto amase afka kala qaado tuhun kaa galiyo inu yahay mid wax u kala soocan-yihiin iyo qof dhan inu yahay. 

Raboow Naga dulqaad kuwa Dalki, Dadki dhinac walba ka burburiyey oo daaiimow noo door hogaamiyaal daacad iyo aamiin aan danbi galin .. Ducadayadana Allahayow deg deg nooga ajiib .. Aamiin Aamiin