Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Yaw-Yaw Maxaad Tiri .. Meles Zenawi Oo Xaalada Tigree Ka Wareysanaya Hogaamiyaha TPLF

Thursday - December 3, 2020


Waa sheeko male-awaal ah oo ka turjumaysa waaqaca dhabta ah ee yaalla gobolka Tigree, oo ka waramaysa xaaladdii uu Males ku ogaa Itoobiya siday haatan wax isaga beddeleen .. Meles ayaa wixii ka dambeeyey ka waraysanaya hogaamiyihii jabhadii TPLF ee uu gacanta ku hayn jiray.

Meles: Waar Debretsion, ka waran guud ahaan dalkii Itoobiya iyo gaar ahaan xaaladda Tigree:
Debretsion: xaaladdu way nagu xun-tahay, oo Tigree markii uu xilka qabtay Raysal wasaaraha cusubi geeska ayuu geliyey oo waxa dhegaha ka qabsatay Axmaaro. Waxaanu naga wada qaaday dhammaan xilalkii ugu sarreeyey ee dalka.

Meles: Hadee, maxaa keenay in bannaanka la idin dhigo?
Debretsion: waadigii ogaa oo khilaaf huursan ayaa gudaha Tigree ka jiray, waa tii kuwii Tigreega laan-dheeraha u sheeganayey meesha laga saaray ee uu calanka u siday Siyuu Mesfin. Markaa talo mideysan oo Tigree dhextaalaa may jirin. Waxaanu awoodi weynay in aanu ka tashano xaalada nala soo daristay. Taasina waxa ay keentay in madaxdii Tigree qoloba dhankeeda u shaqaysato.

Meles: idinkaa halkaasi is-dhigay, waxa ay ahayd inaad nidaamka xukunka yimid aad la fal-gashaan oo aanay Axmaaro idiinka dheerayn. Xukunadu waxa ay kolba u dhego nuglaadaan kolba cidda soo dhawysa markay cusub yihiin. waa ayaandarro idinku habsatay in taladiinii aanay mid noqon. Ninkii aan meesha u dhiibay ee talada Tigree aan gacanta ku hay iri ee Jrneral Samoore Yoonis muxuu yeelay?
Debretsion: Ato Meles, taladaasi way na seegtay, oo weliba waxa ay arrintu ka socon weyday Jeneral Samoore oo noqday inuu keligii go’aankiisa ugu taliyo Tigree. Dhawr shir oo aanu ku qabsanay Maqalle, tiisu inay socoto ayuu miiska soo saaray oo waanu ku heshiin weynay. Hasa-yeeshee khilaafkaasi inuu dhexdayada ka soo baxo oo uu dibada u soo baxo ayuunu ku guulaysanay. Markaa Jeneral Samoore wuxuu noqday keligii-taliye doonaya inuu Tigree ku daba-faylo, waana ta na jebisay.

Meles: Ninkii kursiga iga dhaxlay ee Xayla Maryam Deselin, isagu halkuu ku dambeeyey?
Debretsion: ninkaasi waa ka noogu daran ee hoos fadhiya Abiy ee dhamaan shaxda fahansiinaya. Ninkan Jeneral Samoore ayaa cunaha isaga duubay markuu kursiga fadhiyey, oo cuqdad Tigree ayaa haysa. Abiy wax badan muu fahansanayn, ee ninka wax fahansiiyey waa Deselin. Waa ninka keenay in Abiy aanu shaag u rogmeyn ilaa uu Tigree meesha ka saaro. Isna nin jileec ayuu ahaan ee fikir Axmaaro ayuu hoosta ku watay. Imikana dagaal ayaa nagu socda oo dhawr magaallo oo Maqalle u dhaw way soo qabsadeen ciidankii aad dhistay ee Fadaraalka iyo milatariga isugu jiray ayaa weerar nagu ah.

Meles: Weynee! Dagaal aa, maan fahamin, muxuu ahaa dagaalku?
Debretsion: dhamaantayo, waa anagi iska wada casilnay xubnihii Baarlamaanka ee heer fadaraal, isna wuxuu hore xilalkii sarsare uga qaaday xubnihii ugu sarreeyey Tigreega. Markaa waxaanu isugu ururnay gobolkii Tigree. Waxaanu duullaan ku qaadnay ciidankii fadaraalka ee fadhgiisu ahaa Tigree, oo hubkoodii ayaanu la wareegnay. Iyana cagta ayaanu marinay.

Meles: Weynee, maxaad sidaasi u samayseen?, khalad kale oo aan loo baahnayn ayaad gasheen. Talo xumo ayaa idin jebinaysa. Caqligeenu waa sidee? Sideed idinka oo Shan Milyan ah aad ula dagaalami kartaan in ka badan Sagaashan Milyan oo ah Itoobiyada kale? Markaa dagaalku siduu u socdaa?
Debretsion: xaaladu way nagu adag tahay, dhawr magaallo oo ayey soo qabsadeen, oo waad ogaydoo jabhaddii TPLF sideedii u dhisnayn ayaanu markiiba dagaalka furimaha hore gelinay. Hasa-yeeshee waxa khasaare baaxad leh na soo gaarsiiyey diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn oo Imaraadku Carabtu leeyihiin oo saldhiga ay Casab ku leeyihiin nagaga soo kacayey. Ciidankii Erateriya ayaa iyana na dhabar jebiyey, magaalooyinkii Baadhame iyo Shireto way qabsadeen. Way adag tahay in aanu Maqalle difaacno. Gantaalihii aynu Shiinaha ka soo iibsanay ayaanu dhawr mid ku weerarnay gaar ahaan magaalada Bahar-daar iyo Asmara.

Meles: waad ina fashiliseen oo waa la idinka adkaanayaa, ee waxaad samaysaan dhamaan dadka shicibka Tigree hubka u qaybiya, idinkuna buuraha gala habeenkiina dagaalama oo maalin yaan dagaal la idinku arkin. Waayo Axmaaro ayaa idin dabarjari doonta haddii aydaan sidaasi yeelin. Axmaaro abaal umaynu dhigan intii aynu xukunka haynay, oo qoomiyidihii Itoobiya ayeynu tusnay inay doonayaan inay xukunka weligood haystaan. Waa anagi nidaam Fadaraal ah samaynay. Intiina madaxda ah haddii aan naftiina u yaabtaan ha is-dhiibina ee nin kastaa waa inuu xabbadda ugu dambaysa isku dhuftaa intaan nolol lagu qaban. Haddii aad is-dhiibtaan waad taqaanaan ciqaabtii inaga dhaxaysay inaga iyo Axmaarada, oo idinka oo nool ayaa kolba qayb jirkiina ka mid ah la jarjari. Oo imika halkeed igala soo hadlaysaa?
Debretsion: waa talo wanaagsan oo aad nagu kordhisay. Imika intii aan kula hadlayey ayaa Maqalle ay soo galeen, oo buurihii dhinaca waqooyi ka xiga ee aynu ku jiri jirnay wakhtigii aynu Mingistu la dagaalamaynay ayaan buur dusheed kaala soo hadlayaa. Tilifoonka miyaanad ka maqlayen jugta duqeynta diyaaradaha ee caasimadda ku dhacaysa?

Meles: waan maqlayaa gariirka duqeynta. Miyaad dhan tihiin mise waad kala maqan tihiin intiinii madaxda ahayd?
Debretsion: waanu dhanahay, marka laga reebo dhawr sarkaal oo dhaawac soo gaaray oo ay ka mid yihiin, Getajoow Asafa iyo Gabra dhiila.
Meles: nolosha jabhadeynta buuraha iyo dooxyadu waa shaqadeennii, in kasta oo intii dambe nolosha magaalooyinka macaankeedii dhadhamiseen. Dagaalama .. Dagaalama