Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Waa Tuugo Cirka Iyo Dhulka Ka Ashta-Koodeen .. Qareeno Maafiya Mareykan Ah Iyo Masuuliin Somali Wax Dhac Xad Boob Mooye Aan Wax Kale U Nooleyn Oo Dhacay Hanti Somaliya U Taalay Aduunka

Friday - December 4, 2020


Abuukaate Jeremy Schulman, oo 47-jir ah, deggana Maryland, ayaa lagu oogay in 3.3 milyan uu si sharci darro ah uga qaatay $12.5 Million (Toban iyo Labo Milyan doolar) oo ahayd lacag Soomaaliya ka taallay bangiyada dibedda.

Dembi-oogayaasha Waaxda Caddaaladda Mareykanka waxay sheegeen in laga bilaabo 2009 ilaa 2014, Schulman uu abaabulay shirqool ay kala qeyb-qaateen dad kale, si khiyaano ahna ku heleen hantida maaliyadeed ee magaca Soomaaliya ku taalla bangiyada adduunka oo dhan, qayb ka mid ah hantidan wuxuu u qaatay khidmad iyo kharash ahaan.

Schulman iyo kuwa kale Soomaali ah oo aan weli magacooda la shaacin ayaa la sheegay inay sameeyeen dukumiintiyo been abuur ah oo ku awood u siinaya qareen Schulman soo celinta hantida maaliyadeed isagoo wakiil ka ah dowladda Soomaaliya .. Schulman wuxuu u soo bandhigay dukumiintiyadan been abuurka ah bangiga ay ceymiska federaalka Mareykanku leeyahay iyo hay’ado kale.

Marka laga soo tago adeegsiga dukumiintiyada been abuurka ah, qareen Schulman wuxuu sidoo kale ka qariyay bangiyadaas iyo hay’adaha maaliyadda macluumaadka maadiga ah ee la xiriira awooda uu u leeyahay inuu matalo dowlada Soomaaliya.