Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Miyuu Ciil Qabe Ciidan Ku Noqon .. Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Ku Dhex Dagaalamay Xero Ku Taal Gobolka Hiiraan

Sunday - December 6, 2020



Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan Ciidamo ka wada tirsan kuwa Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa saaka ku dagaalamay degaanka halgan oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

ILo xog-ogaal ah oo xaqiijiyay dagaalka ayaa sheegay in uu salka ku haayo, kadib markii la isku dayay in hubka laga dhigo Saraakiil iyo Ciidan ka soo jeeda Qowmiyada Tigreega oo ka tirsan cutubyada Ciidan ee dagan deegaankaas, hayeeshee ay ka biyo diideen .. Ciidamadaas kama tirsan AMISOM ee waa ciidamo gaara oo ujeedo gaar ah u jooga halkaas

Dadka ku nool degaanka Halgan ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta oo ka dhaceeysay Xerada Ciidamada Itoobiya ee degaanka, balse aysan wlei helin khasaaraha ka dhashay dagaalkooda.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada dagaalamay ay weli isku hor-fadhiyaan degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, waxaana dadka degaanka ay sheegayaan inay casbi soo wajahday, iyada oo horay dhowr jeer ay halkaasi ugu dagaalameen Ciidamada Itoobiya & Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalkii Gobolka Tigreega ku dhex-maray Ciidamada Federaalka Itoobiya iyo Kooxda TPLF ayaa saameyn ku yeeshay Soomaaliya, waxaana warar kal hore soo baxayay ay sheegayeen in Magaalada Baydhabo lagu xir xiray Saraakiil ka tirsan Ciidamada Itoobiya, balse kasoo jeeda Qowmiyada Tigrayga.