Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Caafimaadku Waa Qaali .. Cabida Biyaha Kulul Ee Liinta Lagu Tuujiyey Subax Kasta Aad Cabto Waa Caafimaad La Hubo

Wednesday - December 9, 2020




Biyaha kulul ama yara diiran oo aad subax kasta intaa aadan wax cunin aad cabto waxa ay leeyihiin faaiidooyin aad u fara badan waxaana ka mida ah:

1- In ay sunta jirka ku jirta dibada uga soo saaraan daqiiqado kooban
2- Iney Dad-dajiyaan ama fududeyaan korna u qaadaan shaqada dheef-shiidka ( Diggestion)
3- Bekeeri biyo diiran oo aad subax kasta caadeysato cabidooda waxa ay kaa caawinayaan in culeyska hoos u dhigaan. ( Weight Loss)
4- Biyaha diiran oo aad subaxa hore cabtid waxay ka caawinayaan in aadan hore u gaboobin
5- Biyaha diiran oo aad cabto xitaa waxa ay daawo ka yihiin khal-khalka caadada dumarka ama in markasta ay caadadu ka timaado inanta ama ay hesho, waayo biyaha diiran aad ayey qayb qaataan soo deynta iyo ka shaqeysiinta muruqyada.
6- Waxa ay biyaha diiran baa biiyaan calool xanuunka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee casiirada caloosha.
Dhinaca kale, Waxaa jira dad cabba biyo lagu daray Liin dhanaan subaxda hore si ay uga hortagaa calool istaagga .. Cabbista biyo diirran oo liin dhanaan lagu daray waxay dhiiri-gelineysaa dhaqdhaqaaqa habka dheefshiidka .. Liin dhanaanta waxaa ku jira Fiitamin C, waxaana uu hortagaa in unugyada jirka ay dhaawacmaan . Fiitamiin C waxaa uu hoos uu dhigaa xanuunada ku dhaca wadnaha iyo xididada, waxaa kaloo uu yareeyaa cadaadiska dhiigga iyo faaliga .. Fiitamiin sidoo kale waxa uu si weyn u la dagaalamaa ifilada iyo hargabka .. liin dhanaantu waxay caawisaa luminta miisaanka, Waxaa la aamin sanyahay in ay yareyso miisaanka jirka kaga yimaada cunada dufanka badan, sidoo kale waxay yareysaa iska caabinta hormoonka Insulin.

Waxaad u baahantahay koob biyo diiran ah, korka uga tuuji 1xabo oo liin dhanaan ah ku darso 1 qaado oo malab ah hadii aad heli karto kadibna cab, sidaan samee subax kasta quraacda ka hor.