Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Lagaa Yeeli-maayo Waan Qururuf-leynaya Hadana Nadif Baan Ahay .. Gabar Ku Hawootay Iney Seygeeda Disho Iyo Hooyadeed Oo Si Cajiib Ah Uga Falcelisay

Sunday - December 13, 2020



Gabar baa waxay dhibsatay noloshii guurka waxayna ku fakirtay in ay disho saygeedii, Haddaba si ay qorsheheeda uga miro dhaliso waxay subax hore ku ka-lahday hooyadeed waxayna ku tiri: Hooyo wuu I dhibay ninkaygii diyaarna uma ihi in aan la sii noolaado, balse waxaan doonayaa in aan dilo oo nafta ka qaado, waxaanse ka baqayaa in la ogaado in aan dilay oo markaa anigana sharciga layla tiigsado, markaa ma igu caawin-kartaa xeelad aan lagu ogaan in aan anigu dilay.

Hooyadeed waxay ugu jawaabta: Haa waan kaa caawin-karaa arinkaa, laakiin waxaa jirra arrin yar oo ay tahay in aad fuliso? Waxay Tiri inantii: oo waa maxay arinkaa yari hooyo? aniguse diyaar baan u ahay arrin kasta oo fududaynaya dilka ninkan.

Hooyadii waxa Tiri: waa si wanaagsan oo hadaba waxaad yeeshaa:
1- Ninka la saaxiib si aan markuu dhinto qofna aanu ugu malayn in aad adiggu dishay.

2- Naftaada qurxi oo ninka isu dhalaali oo noqo mid soo jiidasho leh si aanu kaaga shakiyin.

3-  Waa in aad xanaanaysaa oo aad noqotaa mid u dhega nugul aadna u soo dhaweeya ehelkiisa si aan cidna dareen tuhuni u gelin.

4- Waa in aad noqotaa mid sabir baddan oo kal-gacal badan oo masayr-yar, aad u debecsan, ixtiraam baddan ilaa aad ka noqoto mid uu u soo qaato tusaale kuna faano.

5- Iska ilaali carada oo ha u caroon, maalka uu kuu dhiibana ha ku takri falin ee si wanaagsan u maamul yaanuna kuu arkin qof damaaciya oo xoola doona.

6- Codkaaga hoos ugu dhig oo ha ku qaylin, ku boob salaanta inaad jecesha-hayna mar walba u sheeg, si aan markuu dhinto laguu tuhmin.

Hooyadii waxay gabadheedii ku tiri ma samayn-kartaa arimahan oo dhan? Inantii waxay Hooyadeed uggu jawaabtay: Haa Hooyo waan samayn karaa dhamaantood.

Hooyadii waxay inantii u dhiibtay bu'do (powder) waxayna ku tiri: ugu dar cuntadiisa maalin walba si tartiiba ayay u dili-doontaa Budadaasi.

Sodon maalmood markii ay ka soo wareegtay baa gabadhii ku soo noqotay hooyadeed iyadoo walaacsan, waxayna ku tiri: Hooyo ma doonayo in aan dilo ninkayga marnaba,waan jecelahay wuu is bedelay gebi ahaanba, wuxuu noqday nin debecsan oo fiican sidaan rabay ee aan doonayay weligayba, waxay intaa raacisay maxaan sameeyaa oo aan kagga hortagaa dhibaatada ay u keenayso suntii bu'dada ahayd ee aan cuntada uggu dari jiray? Hooyo waxaan kaa codsanayaa in aad arinkaa iga kaalmayso?

Hooyadeed oo qosol la dhoola cadeyneysa, waxay ugu jawaabtay: nabarka murgada ee ku haya halkaa iska dhig, ha welwelin inan-taydiiyeey markii horeba kuuma dhiibin xaqiiqo ahaan bu'do ( powder) dhibaataysa oo disha ninkaaga wuxay ahayd bu'do caadiya! laakiin Dhabtii adiga ayaa ahaa sunta dilaysay ninkeeda si tartiiba, waayo! " joogtaynta aad joogtaysay khilaafkiisa, dooda, degenaansho la’aanta, daryeel la’aanta, qaderin la’aanta, maqal la’aanta, tusid la’aanta jacayl iyo lexe-jeclo aad u qabto, waxay sababtay xitaa in aad ku fekirto in aad saygaagii disho.

Cala ay xaal Markaad dhaqankii bedeshay ee aad kal-gacal, jacayl iyo daryeel iyo ixtiraamid la timina wuxuu noqday nin fiican oo kuu debecsan .. Raggu ma’aha dhib-low dhab ahaantii laakiin qaabka aynu ula falgalno ayaa keena jawaabta ka dhalata waxa inagga soo baxa dhaqan ahaan iyo dareen ahaanba !

Hooyadii iyadoo hadalkii sii wadata waxay Tiri: "Gabdhayahow hadaad ku qaabishaan ragiina ixtiraam, dhaga nuglaan, kalgacal, iyo dulqaad waxaa xaqiiqo ah in aydin ka goosan-doontaan miro macaan boqolkiiba boqol .. Ilaahay xaqa hayna waafajiyo!