Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Abaabul Banaan-Bax Ka Socda Mogdisho Oo Looga Soo Horjeedo Fahad Iyo Farmaajo .. Doonimeyno Kuwa Nala Ku Soo Habaaray Ee Nagu Noqday Xanuun Aan Bixin

Monday - December 14, 2020



Wararka ka iimaanaya magaalada Mogdisho ayaa tilmaamaya in dhalinyaro is abaabulay, oo la sheegay inay qaban-qaabinayaan Banaanbax ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo iyo in xukunka dib ugu soo laabto .. Horjooga-yaasha mudaharaadka abaabulaaya ayaa sheegay in maamulka Farmaajo iyo Fahad ay dalka ku noqdeen xanuun aan bixin, rajona ma leh inta ay labadaas shakhsi ay gacanta kula jiraan maamulka .. ila laga qabtana Abdo ay leeyihiin ma jirto iyo wax laga sugaayo ayey yiraahdeen

Isku soo baxaan ayaa la qorsheeyey in talaadada berri uu ka dhaco faras magaalaha Muqdisho meelo ka mid ah, iyadoo la ogeyn in Laamaha Amniga baajin-doonaan iyo in kale .. sida la sheegay Dadka isku soo baxa loogu yeeray ayaa iskugu jira Haween, Dhalinyaro,Culimada iyo Aqoonyahanka, si ay u muujiyaan Raadinta Hogaamiye dalka iyo dadka samata bixin kara .. Hadalada hal ku dhaga lagu dhawaaqayo ee la diyaariyey waxaa ka mida: Doonimeyno kuwa nala ku soo habaaray .. Doonimeyno kuwa na kaduudiyey oo dalka iyo Umadda ku noqday xanuun aan bixin .. Doonimeyno Rakaab xumaanta beel walba lagu soo xushay intii ugu liidatay .. Doonimeyno Farmaajo iyo Fahad ee Beenta u ban-baxay

Waxaa kalo warku intaa raacinaya in maamulka Gobolka Banaadir ayaa la sheegay inuu kor kala socdo Arintaan ayna u badan tahay in Awood ciidan ku hor istaago Dibad baxaasi .. Waxa Banaanbaxaasi lagu soo aadiyey iyadoo Talaadad berri la qorsheeyey in si toos ah u bilowdo Ololaha dib u doorashada Madaxweyne Farmaajo