Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Qaabka Xun Ee Farmaajo Isku Qafilay Baa Dalki Jar Ka Tuureysa .. Hiiraan Waa Dhaqaajisay .. Puntland Iyo Jubaland Dabarka Ayey Jeediyeen .. Galmudug ILmada ayey Shubeysa

Wednesday - December 16, 2020



Arin kale ma yaale Alaw sahal Amuuraha .. Kulamo xasaasi ah ayaa galinkii dambe maanta waxa uu duleedka magaalada Baledweyne ku dhexmaray Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan iyo madaxda dhaq-dhaqaaqa la baxay Kacdoonka Samata Bixinta Hiiraan.

Odayaasha maanta kulanka la qaatay madaxda dhaq-dhaqaaqa hubeysan ee uu hoggaaminaayo Janaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa shaagey iney taageersan yihiin dhaq-dhaqaaqa looga soo horjeedo dhismaha labaad ee Hirshabeelle.

Janaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo ka hadlayay kulanka ayaa si rasmi ah u shaaciyay in 15 maalin gudaheed ay ku sameysanayaan maamul ka madax banaan Hirshabeelle oo lagu magacaabo Hiiraan State.

Afhayeenka dhaq-dhaqaaqa Kacdoonka Samata Bixinta Hiiraan ayaa sidoo kale sheegay in kulamo dhexmaray iyaga iyo wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Muqtaar Xuseen Afrax ay ku
soo dhamadeen isfaham la'aan.

Ugu dambeynta masuuliyiinta dhaq-dhaqaaqa Kacdoonka Samata Bixinta Hiiraan ayaa sidoo kale ugu baaqay xubnaha ka tirsan Hirshabeelle ee ku sugan magaalada Baledweyne iney isaga baxaan.

Hadalkan maanta kasoo baxay Odayaasha dhaqanka iyo madaxda Kacdoonka Hiiraan ayaa imaanaya xili toddobaadkii labad uu ku sugan yahay Baledweyne wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo u yimid xalinta tabashada reer Hiiraan ee la xariirta Hirshabeelle taasoo hadda u muuqaneysa hal bacaad lagu lisay.