Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Akhbaarti Zamanki Hore .. Garaadki Iyo Garashadi Marwadi Koowaad Ee Khalifkii Haaruun Al-Rashid

Thursday - December 17, 2020




Maanta waxaynu soo qaadanaynaa hadii ILaah ka dhigo haweenaydii uu qabay Khaliifkii dawladii Cabaasiyiinta ee Haaruun Al-Rashiid .. Haaruun wuxuu ahaa khulafadii ugu caansanayd ee soo martay dawladii Cabbaasiyiinta Ee Fadhigeedu ahaa Baqdaad, waa nin lagu xasuusto jihaadkiisii badnaa, xajkiisii iyo salaadiisii.

Imaan Nawawi wuxuu kitaabkiisa Siyarka ku tilmaamay in Haaruun sanadna xajka aadi jiray, sanadka kalena uu aadi jiray goobta Jihaadka. Wuxuu ahaa nin gacan furan oo deeqsiya, wuxuuna qabay gabar ay Eedadii dhashay oo la oran jiray Zubeyda Bintu Jacfar. Waxayna ahayd gabar reer Haashimiyad ah, oo aabaheed waa aasaasihii aasaasay dawladii Cabaasiyiinta Abu-jacfar Almansuur.

Haweenaydan waxa lagu xasuustaa caqligeedii waynaa iyo garaadkeedii sarreeyey, waxay la talin jirtay odaygeeda, sidoo kalena waxay ka mid ahayd dadkii ugu wax qabadka badnaa, marwooyn-ka Salaadiinta iyo madaxweynayaasha.

Waxay taariikhdu sheegtaa in ayadoo u safraysay Xajka ay aragtay dhibaatooyinka waaweyn ee haysta dadka Xujaajta ah, sida biyo yaraanta ka jirta magaalada Makkah iyo jidka ay soo maraan dadka Xujaajta ah. Waxay aragtay ayadoo biyaha lagu iibinyo hal diinaar, kadibna waxay Zubeyda fartay injineeriintii farsam yaaqaanka inay diraaseeyaan qaabka magaalada Makkah loo keeni lahaa biyo ay cabaan Xujaajta Baytka Ilaahay.

Injineeriintii waxay dhaheen; “In la keeno biyo magaalada barakaysan ee Makkah aad bay u adagtahay, maxaayeelay waa meel buuralay ah, sidoo kalena biyuhu waxay ka fog-yihiin meel u jirta ku dhowaad 10-Mayl, mida kalena dhaqaalo badan ayaa ku baxaya” Zubeyda waxay tiri; Xitaa hadii halka mandaraqa ama sabarada kaliya ay ku kacayso qiimo dhan hal diinaar oo Dahab ah waa inaad fulisaan.

Run ahaantii Injineeriintii waxay bilaabeen inay qodaan ceelashii oo ay helaan biyihii kadibna waxay soo raaciyeen kanaalo dhaadheer oo dhex maraya buuraha, taagaga, banaanka iyo godadkaba, keenayana biyaha magaaladii Makkah .. Ishaas biyuhu soo raacayeen waxa loo bixiyey Isha Zubeyda, iminka oo la joogo Kun iyo Laba boqol oo sanadoodna wali waxa loogu yeeraa Ishii Zubeyda.

Waxay kale oo ay dhistay Barkado, Ceelal iyo Warshado soo saara biyaha oo u dhaxeeya magaalada Baqdaad iyo Makkah, si ay Xujaajtu ugu nastaan inta ay jidka kusii jiraan. Waxay Zubeyda ku bixisay xoolo aad u badan dhisida ceelashaas biyaha ah. Dabcan arrintaas waxay ku heshay sharaf iyo karaamo iyo ayadoo kaga sugaysa abaal marin wanaagsan xaga Ilaahay (S.W.T).

Dadka Muslimiinta ah oo Aad ka dulqaado dhibka iyo haraadkana wax u dhigmaa ma jiraan, waana sadaqo jaariya ah, oo Umada oo dhan ay ka mahadisay.