Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Geesigi Galeyrbaa Gobanimadi Soo Helay .. Berri Oo Kale December 21 Sanadki 1921 Waa Geeridi Hogaamiyihi Daraawiishta Sayid Maxamed Cabdalla Xasan Ee Dabka Ku Shiday Ingiriiska

Saturday - December 19, 2020


Dawlada Ingiriisku waxay isku dayday inay Sayidka kula isticmaasho siyaasad la mid ah tii boqoradii Hindida ay kula dhaqantay oo ah inay Maal badan iyo mushaaro joogta ah siiso, hasa-yeeshe Sayidka oo caan ku ahaa Tabco iyo Taatiko dagaal ayaa Gunimo diiday oo ku yiri Ka Bul Dheh Ingiriisow

Ugu dambayntii waxaa Sayidka lagu soo kacshay dayuuraadka dagaalka waxaana weeraradaa hogaaminayey Dhame Duuliye Gordon wuxuuna cadowgu isticmaalayey diyaaradaha noocoodu ahaa DH9, waxayna duqeeyeen Taleex, Jiidali iyo xarumihii Sayidka oo dhan.  Sidaa darteed, Daraawiishtu waxay ahaayeen urur gobonimo doon ah ee adduunyada ugu horeeyey ee dayuuradaad lagula dagaalamo.  Sayid Maxamed intaa kadib wuxuu soo aaday Koonfur.

Allaha u Naxariistee Sayidku wuxuu ku geeriyooday aaga Webi Shabeelle degmo ku taalo gaar ahaan Degmada Iimey .. Beri oo kale December 21, sanadkii 1921-kii ayaa Geesigii Soomaaliya geeriyooday, waxaana la tabiyaa inuu u geeriyooday xanuun lagu sheegay duumo iyo qandho oo daraawiish si ba’an u haleelay.

Ugu Dambeyn Sayidka Maxamed geeridiisa waxaa laga joogaa 125 sano, dadkii uu Sayidka dagaalka kula jiray qaar ka mida ayaa xili aan fogeyn Muqdisho ayey joogeen .. Caddaankii Ingiriis waxaa ay noqdeen Saxiib halka Madowgii sida xabashida isku badaleen Walaal.

Waxaa la yaaba Xabashi oo waagaas cadaw aheyd, dagaallo badan uu la galay Sayidka, isla markaana dulki somalida guumeysata waxaa ay maanta noqotay Walaal, iyadoo dagaalkii 77 ama dagaalkii xoreyntii Soomaali Galbeed loo badalay in uu ahaa dagaal sokeeye oo dhexmaray labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya….Hadaba Maxaa loo la’yahay hogaamiye Saydki oo kale ah iyo in Soomaaliya Soomaali u taliso?