Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Abaalkiisi Muu Helin .. Siyaasiga Jawhar Maxamed Oo Gudintu Afeeyey Lagu Garaacayo

Saturday - January 23, 2021



Waxaa maxkamad ku taal Adis-Ababa la soo hor istaajiyey Jawaahir Maxamed oo ahaa hogaamiye dhaqdhaqaaqa Oromada, isla markaana waxaa iyagana lala soo taagay maxkamadaas laba ka mida saaxiibadiis oo kala ah Bekele Gebra Iyo Dejene Tafa, kuwaaso dhamaantood lagu soo oogay illa Lix dacwaadood oo la yiri iyaga falkooda ka dambeeyey ..  Dacwada  waxaa ka mid ahayed haysasho Hub sharci daro ah .. Sido kale waxaa dacwadooda lala xariiriyey qalalaasihi ka dhashay dilki Fanaanki Oromada la jeclaa Hachlu Hundessa oo ay ku dhimatay illa 80 ruux.

Jawaahir Maxamed, oo eedeyntaas lagu soo oogay ka jawaabaayey ayaa yiri: waxaas waa sheeko la qota-qoteyey oo aan waxba ka jirin, balse kiisa maxkamda la keenay ay tahay mid siyaasadeysan oo ujeedada weyn ay ku koobantahay in nala ka hor-sitaago doorashada soo socota

Ugu Dambeyn Garsooreyaasha maxkamadda ayaa sheegay in dacwadaha lagu soo oogay ay tahay mid la laalay oo aysan meel ka dhac ku ahayn sharciga u yaalla dalka Itoobiya ee heysashada hubka sharcidarrada ah, Hase yeeshee raga eedeysaneyaasha ah oo ka mid yahay Jawaahir Maxamed ayaa wali wajahaya afar dacwadood oo kale, oo ay ku jiraan argagixisanimo iyo musuq-maasuq dhinaca warbaahinta ah.

Abiy Axmed iyo Jawaar Maxamed ayaa mar ahaan jiray xulafo isku aragti ah, laakiin markii uu Jawar dalka dib ugu soo laabtay ayuu billaabay inuu Mr Abiy ku ku eedeeyo in uusan dadaal ku filan u sameyneynin wax ka qabashada dhibaatooyinka ay muddada dheer ka cabanayeen bulshada Oromada ee ay labadooduba kasoo jeedaan ..