Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Itobiya Waa Bukaan Aan Daawo Lahayen .. Abiy Oo Sidi Jinka Faryaro Bidix Ka Baxay .. Jeneral Isa Soo Kiciyey Demeke Mekonnen Oo Taladi Dalka La Wareegay

Monday - January 25, 2021


Adis-Ababa - Maanta Waa Maalin Kale Oo U Madow Dadka Itobiya .. Warar xaqiiqo sugan oo ka soo baxay dhinaca Adis-Ababa ayaa tilmaamaya in awoodi iyo taladi dalka itoobiya u maanta si toosa u marooqsaday Raiisal wasaare ku-xigeenki dalkaas oo la yiraahdo Demeke Mekonne, kaasoo hadda iyo wixii maantaka dambeya wixii amaro heerka ugu sareya ah u isagu bixinaayo .. hasa- ahaate sheekada duufaanta qabyaaladeed ee ka dhex socota bulshada Adis-Ababa ayaa ku hadaaqaya in qalawadi Mas galay oo dambarki maandeeq niman doonin baa dhamay, oo wixii Demeke Makanoon madax ka dhigay la isku haysto, balse marka hore la cadeeyo halka u ku dambeeyo Riisal Wasaare Abiy Axmed .. Been socon meyso oo Qoomiyada Amxaaro iyako Sagaaro dhangad ku dhufan bey sheeganayaan halgan iyo awood aysan lahayeh bey Oromadu kaga dhawaaqayaan Adis-Ababa. 

Waxaa warku intaa ku daraya oo ay sheeg-sheegayaan in Raiisal wasaarihi Abiy Axmed talada u ku yimd xukunka aysan ahayen dhayal balse halgan Oromo ayaa naf huray, laakiin iminka waxaa muuqata in markaan shaqalka loo taagay oo hogaamintiisi ay noqotay tacab khasaaray oo waliba si gaara ugu dhacday qoomyada Oromada oo iyagu lahaa sababti Kacdoon u ku yimid Abiy Axmed, laakiin qaladaadki Abiy u galay awgeed ayaa keentay in awoodi ay maanta gacanta u gasho qomiyada Amxaarada .. sido kale waxaa la carbaabaya in Riisal Wasaare Axmed Abiy si toosa ay ilaaladiisa qaar ka mida ay xabado ku shaandheyeen, Walow dadka qaarkis ay leeyihin waxaa lagu xiray qol madaw oo Takfi iyo Kutaan ka buuxaan.

Dhinaca kale waxaa la sheegaya in geemka socda iyo bareerkaan afgambiga ay hor bodayaan qoomiyada Amxaarada oo muddo badan ku taahaysay sidi ay gacanta ugu dhigi lahaayeen talada dalka Itobiya .. waxaa kalo la carbaabaya in Wasiiro badan u ka mid yahay wasiirki maaliyada Axmed Shido aan la hayen cirib iyo jaan meel ay dhigeen ..  Abiy Axmed maanta ayaa dul joogta waa ayaan daro Halku yaalo waa abaalkaa oo waxaa tahay Qurmiye bilaa faataxo dhabarka jeediyey ayey Oromadu tiri