Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Bilawgi Fidnadi Weyneyd Ee Musllimiinta .. Qaabki Loo Diley Cisman Ibnu Cafaan RC

Tuesday - January 26, 2021



Waxaa jira sheekooyin badan oo ku saabsan nolosha Cusmaan ibnu Cafaan iyo sidii loo dilay, laakin waxaan soo qaatay sheekada loogu badan yahay oo la isku raacsan yahay, laakin Allah Subxaanuhu wa tacaalaa ayaa og siday wax u dhaceen.

Cusmaan ibnu Caffan ibnu Abii al-Aas ibnu Umayyah, wuxuu ahaa nin xishood iyo edeb badan, hadal fiican, weji wanaagsan, carab wanaagsan, dhoola cadeyn badan, wuxuu ahaa abuurista ugu fadliga badan waqtigii Jaahiliyada iyo kii Islaamka-ba, weligiis khamri ma cabin waqtigii jaahiliyada xataa, mana u sajuudin sanam weligiis, mana ku dhicin xumaan weligiis sida la soo xigtay .. wuxuu ahaa qof hodon ah, wuxuu guursaday sideed xaas, dhamaantoodna Islaamka kadib ayey ahaayeen, waxaa u baxday naaneysta aheyd “Zul Nureyn” waayo wuxuu guursaday labo gabdhood oo Rasuulka dhalay, lama siinin hortiisa qof iyo gadaashiisa-ba, wuxuu guursaday Ruqiya, markay ka dhimatay wuxuu guursaday Umu Kaltuum.

Cusman ibnu Cafan ayaa ahaa Amir-ul Mu’miniin 12 sano, lixdii sano ee u horeysay xukunkiisa qofna lagama aargudan, wuxuu ahaa qof reer Qureysh ay aad uga jeclaayeen Cumar oo ahaa nin adadag oo ku adag adkeynta shuruucda Eebe, laakin Cusman wuxuu doorbidi jiray inuu galo wadahadalo, wuxuu ahaa nin naxariis iyo dhowrsanaan badan, hadaba waqtigiisa ayaa nasiib daro dhacday fitno taasi oo keentay in lagu dilo, taasi oo sabab looga dhigay isbedelka bulshada, gaarista barwaaqo iyo kheyrkii iyo hab nololeedkii oo kor u kacay, maalkii oo batay dadka waxay noloshooda raacsiiyeen adduunka, taasi oo kharibtay aakhiradooda, oo dhaqaajisay cadaawad dhexdooda ah.

Maalintii ugu dambeysay go’doominta oo ah maalinta la dili doono, wuxuu ku riyooday Rasuulka markaasi ayuu yiri “waxaan arkay Nabiga oo la socda Abu-Bakar iyo Cumar, Nabiga ayaa ku yiri Cusmaanow kaalay nala afur, waayo wuu soomanaa, maalintiina waa la dilay, taasi waxay daliil u tahay inuu odorosay soo dhowaashaha ajashiisa, oo u tagayo Rasuulkii Allah, Saxaabada iyo dadkii uu jeclaa.

Qaabka loo dilay Cusmaan, waxaa gurigiisa soo weeraray mucaarad ama khawaarij, waxay la kulmeen koox asxaabta ka mid ah oo difaacayey khaliif-kooda laakin isagu Allaha ka raalli noqdee wuu u yeeray, wuxuuna ku yiri Allah Allah idinku waxaad hor taagan tihiin dadkii ii gargaarayey wey ka diideen, waayo wuxuu ogaa oo ku kalsoonaa inuu shahaado ku dhimanayo oo marag u noqonaya oraahdii Nabiga, wuxuu doonayey inaanan u daadan dhiigga Muslimka dartiisa, halkaasina ay ka bilaabato fitno Muslimiinta dhexdooda ah.

Mucaaradka ama khawaarijta ayaa gubay albaabka, saqafka iyagoo reerkii guriga dhex joogay ka dhiidhiyey howshaasi .. Cusmaan ayaa tukanayey oo raggii baa isku dayey inay difaacaan Khaliifkooda intii karaankooda ah, wuxuu ugu yeeray inay iska tagaan iyadoo dhiig daadan, wuxuu sii watay salaadiisa asaga oo aaqrinaya Suuratu Taha qalad la’aan, joogjoogsi la’aan iyo cabsi la’aan, wuxuu dareemayey inuu Allah ilaalinayey, wuxuu aaminsanaa inuu ku jiro gacanta rabigii abuurtay .. Cusmaan ayaa ku guuleystay inuu ku qanciyo ilaaladiisa inay ka baxaan guriga, halkaasi oo ay noqotay inaanan loo dhaxeyn asaga iyo cadowga, wuxuu furay albaabka guriga, wuxuu gacanta ku qabsaday kitaabka Qur’aanka, waqtigaasi wuu soomanaa, wuxuuna aqrinayey Qur’aan, waxaa u soo galay mid ka mid ah khawaarijta, markay indhaha isa saareen wuxuu u sheegay in dhexdooda uu ku jiro kitaabkii Allah, ninkii waa iska noqday, waxaa u soo galay nin jirkiisu madow yahay kii ayaana dilay, waxaa la dilay asaga oo gacmaha ku heysta kitaabkii Allah oo sooman.

Khawaarijta ayaa gaaray muraadkooda ama hadafkooda, waxay dileen Amir Mu’miniinka sanadkii 35aad ee Hijriyada, maalin Jimco ah asaga oo jiray 82 sano .. Asxaabtii ayaa murugootay iyo dadkii wanaagsanaa ee magaalada ee dhimashada khaliif-kooda, qaar ka mid ah saxaabada ayaa dhaqay oo kafaniyey weyna qaadeen, waxaa ku tukaday Zubeyr bin Cawam, waxaana la aasay habeenkii inta u dhaxeysay Maqrib iyo Cisho dhexdooda.

Waxaanna markaasi kadib bilaabatay fidnidii weyneyd ee dhex martay Muslimiinta sida Cali iyo Mucaawiya Ilaahay raalli ha ka wada noqdee .. alla naga oge