Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Qiso Lagu Cibrad Qaato .. ILaahay Wuxuu Wanaaga Ku Soo Mariya Meel Aadan Fileyn Ee Weligaa Ha Ku Deg-Degin Inaad Ka Xumaato Go'aankiisa

Sunday - January 31, 2021


Nin ayaa maalin maal-maha ka mid ah soo raacey Doon .. doontaas waxaa saarnaa dad aad u fara-badan, hasa ahaate doontii markay mareysay bad-weynta ayey qalib-matey, dhamaan dadkii oo idil waxay noqdeen kuwo dhinta, marka laga reebo ninkii maahane…

Ninki wuxuu soo dabaashaba xeeb ayuu si Naf la-caari ah ku soo gaaray, haddu fiiriyey hareeraha wax dad ah muusan arkin wax caawiya iskaba daaye .. Rafaad iyo silac fara-badan kadib wuxuu bilaabay inu soo aruursado Xaabo oo halki ka dhistay Daash i hoos seexdo

Ninki Gaajo ayaa qabatey wuxuu ku dhaqaaqey bal inuu raadsado geed miro la-cuno leh, Hase ahaatee wuxuu dib ugu soo laabtey Daashkii oo gubanaaya, markaas buu isagoo yaaban wuxuu yiri:- Allahaw Maxaa sidaan igu gashay .. laakiin Habeenkii wuxuu seexdey daashkii uu dhistey meel aanan ka fogeyn, subixii ayuu wuxuu ku soo kacey qeylada markab soo gaarey goobtii uu joogey.

Raggii Markabka saarnaa ayaa soo bad baadiyey, markii ay meel dhexe marayaan ayuu ku yiri:- war niman yahow sidee ku ogaateen inaan joogo goobtaa .. Waxeeyse ugu jawaabeen oo yiraahdeen anagoo mareyna meel fog ayaa waxaa xaley aragney Qiiq iyo Holac hawada isku shareerey, dabadeed waxaa niri meeshaas qof baa ku dhibaateysan oo u baahan caawinaad ee ina keena, sidii ayaa kuugu imaaney kuguna soo bad-baadinay

Ninkaan wuxuu marki hore ka xanaaqey daashkii laga gubey balse Ilaahey (sw) wuxuu dabkaas ugu badaley bad-baado iyo isago oo dhulkiisii iyo dadkiisii ku laabtey

Hadaba Akhristow Ilaahey (sw) wuxuu wanaag kuu soo mariyaa meel aadan fileeynin ee waligaa haku deg degin inaad ka xumaato go’aankiisa .. Meeqaa dhib nasoo gaara oon ku deg degnaa inaan sabar la’aan is dhiibno, lagana yaabo inuu Ilaahay (sw) wanaag noo soo wado

Sidoo kale ku darso nabiyullaahi yuusuf (caleyhi salaatu wasalaam) dhibka iyo rafaadka ay walaalihiis marsiiyeen ilaahey wuxuu ugu badaley inuu noqdo boqorka ama casiiska Masar