Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Farmaajo Oo Gees Wiyi-leed Yeeshay .. Fikirki Gunti-giijis Hadafku Ahaa In Laga Baxo Lagdanka Colaadeed Ee U Ku Baaqay Rooble Oo God Xaara Lagu Riday

Tuesday - March 2, 2021


War-saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu shaaciyey in Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu iclaamiyey shir kale o ay isugu imaanayaan madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir isago marti-galinta ka dhigay bishaan
 4ta Maarso 2021, isla markaana u sheegay in kulanku u soconaayo hal maalin oo kaliya, waxaanu sheegay in looga gol-leeyahay kulankain lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020

Dhinaca kale, Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya ayaa shir Deg deg ah ay maanta iskugu yimaadeen Magaalada Muqdisho waxay uga hadleen Xaaladaha Siyaasadeed Ee Dalka iyo Arimaha ku saabsan Banaanbaxa ay qabanayaan Sabtida Isbuuca Dambe .. Kulankooda markii uu soo dhamaaday waxaa Warbaahinta shir jaraa’id uqabtay Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan C/shakuur Warsame oo si adag u cambaareeyey talaabooyinka lagu carqaladeynaayo wadada hadaladi musharaxiinta iyo Raiisal wasaare Rooble.

Sido klae, waxaa la soo tabinaya in maamulada qaarkood sida Puntland iyo Jubaland ay mawqifkooda ku muujiyeen in warka Farmaajo aysan waxba kala socon