Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Maalmihi Murugo Iyo Culeys Badani Saarneyd Musllimiinta .. Geeridi Rasuulkeeni Suubanaa Maxamed Ibnu Cabdullaahi SCW

Monday - March 8, 2021



Markii uu Rasuulku SCW ka soo laabtay Xajatul-Wadaac, bishii ku xigtay ayaa Rasuulka SCW waxa ku bilaamay xanuunkii uu u geeriyoon lahaa .. Rasuulka SCW geeridiisa wuu sii sheegay in aan Nabi dhiman ilaa la kala doorransiiyo labada daarood midkood (adduun iyo aakhiro). Sidoo kale waxaa jirey arrimo badan oo muujinayey Rasuulka SCW geeridisa .. Ramadaankii ugu dambeeyey wuxuu Rasuulku SCW ictifaafay 20 beri, halka uu kuwii ka horreeyey uu 10 beri ka ictikaafi jirey.

Isla Ramadaankaas ugu dambeeyey wuxuu Jibriil qur’aanka la dhammeeyey Rasuulka SCW labo mar halka uu kuwii hore hal mar la dhammayn jirey, Sidoo kale qur’aankii ayaa la taam yeelay oo waxaa soo degay aayadihii ugu dambeeyey .. Sidoo kale waxa uu Rasuulku SCW asxaabta ku yiri “ma idin gaarsiiyey (diintii)”, oo uu waliba Saddex jeer ku cel celiyey, mar walbana ay lahaayeen “haa” markaasuu yiri “Allaw ka markhaati kac”.. Rasuulku SCW wuxuu markaas bilaabay u tabaabushaysi iyo diyaargaroobid xagga Rabbi, wuxuuna aad u badiyey tasbiixda iyo istiqfaarta.

Rasuulka isagoo la hadlaaya Saxaabadi la joogtay wuxuu yiri: Ilaah baan ku dhaartay ma idin kaga cabsanaayo in aad gadaashay Ilaahay u shariik yeeshaan, laakiin waxaan ka cabsanayaa in aad ku tartantaan dunida ..  Nabiga SCW marku ka soo laabtay Qabuurihi Baqiic ayaa isagoo dhex soo maraaya waxaa qabtay madax xanuun iyo qandho, maalinkaas oo ahaa isniin, 29kii Safar, sannadkii 11aad ee hijriga, waana xanuunkii uu u geeriyooday, wuxuuna hayey 13 ama 14 beri .. Ka dib Rasuulka SCW markii uu xanuunkii ku soo batay wuxuu uga idan qaatay haweenkiisii in uu guriga Caa’isha joogo, halkaas oo uu joogay intii uu xanuunsanaa .. Rasuulka SCW waxaa qabtay xanuun aad u daran oo uu la miyir doorsoomay, 

Ka dib wuxuu Rasuulku SCW dadkii u bandhigay in ay ka aar gudato ciddii uu wax u geystay, ka dibna salaadii duhur ayuu tujiyey, wuxuuna ku laabtay meeshii isaga oo ku celinaya oraahdiisii hore, markaas ayaa nin muslimiinta ka mid ahaa yiri “saddex Dirham baan kugu lahaa”, wuxuu yiri Rasuulku SCW “Fadliyow sii”.

Rasuulku SCW wuxuu isla maalinkaas tujiyey asxaabta salaaddii maqrib, wuxuuna ku akhriyey Suuratu-Mursalaat, salaaddii ku xigtay ee cishahana wuxuu damcay in uu tujiyo laakiin wuu awoodi kari waayey, wuxuu markaa amaray Abuubakar in uu dadka tujiyo, ilaa uu Rasuulku SCW ka dhintayna Abuubakar ayaa dadka tujinayey .. Ugu Dambeysti Rasuulku SCW wuxuu geeriyoodey maalinkii Isniinta, 12kii Rabbiicul-Awal, sannadkii 11aad ee hijriga, waqti harsimadii ah, wuxuuna Rasuulku SCW jirey 63 sano.