Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Rag Waxaa U Liita Nin Maqan Oo Aan La Tabin Iyo Nin Jooga Oo Aan La Tirin .. Beesha Caalamka Oo Dalabkii Farmajo Ku Gacan Seyrtay Oo Haddana Jid Gala Iyo Mid Ka Baxa-ba Ka Waayeen

Saturday - March 13, 2021



Warar Dibolomaasiyeed oo warbaahinta Galdogob Times heshay ayaa sheegaya in muran ka taagan-yahay shirka wada-tashiga siyaasiyiinta Somaaliyeed ee la xariira arimaha doorashada .. Shirka waxaa soo abaabulay oo gacanta ku haya beesha caalamka, laakiin madaxtooyada somaliya ayaa dalabtay in shirka abaabulkiisa iyo dajinta ajeendada lagu soo wareejiyo iyaga.

Villa Somaliya waxay aqbaleen in shirka lagu qabto goobta loo asteeyey ee ah xayndaabka Beesha Caalamka iyo iney amaanka gacanta ku hayaan Amisom, laakiin Villa somaliya waxay dalbadeen in socod-siinta shirka iyo maamulidiisa ay iyagu gacanta ku hayaan. 

Madaxweyne Farmajo wuxuu doonaya inu isagu shirka hogaamiyo, gaar ahaan qodobada laga wada hadlaayo iyo qoritaanka nuxurka ka soo baxa shirka, wuxuu kalo doonaya in beesha caalamka ay banaanka ka joogaan shirka. laakiin Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa arintaa diiday.

Dhinaca kale waxay beesha caalamka dhankood ku adkeysanayaan in aan waxba laga badalin shirka qaabkiisi hore oo ahaa in beesha caalamka ay goob joog ka ahaato, isla markaana ay iyagu garwadeen ka ahaadaan .. waxaa kalo warku intaa ku daraya in beesha caalamka ay Farmajo ay khaati ka joogan oo jid gala iyo mid ka baxa-ba ka waayeen