Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Qaraab-doon Goonle Ah Oon Dhina Wax Ka Arkeyn Yuusan Reerka Ka Dumin .. Geed Is-Maris Qoor-Qoor Oo Sidi Halaq Ku Dhex Miranaaya Musharaxiinta Mucaaradka

Tuesday - March 16, 2021


Muqdisho - Qoraal kooban oo lagu baahiyey barta Facebooga ee madaxtooyada Galmudug ayaa lagu shaaciyey in madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu caawa kulan casho sharaf ah ku casuumay xubnaha golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya .. sida la xusay Kulanka ayaa ka dhacay hooyga uu Madaxweyne Qoor Qoor ka degan yahay magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray in Kulanka ayaa wuxuu hordhac u yahay kulamada guud ee looga arinsanayo  arimaha doorashooyinka. Waxaa sidoo kalo kulankaas ka qeybgalaya madaxweynaha DG Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Kulankaan waxaa ka soo muuqday mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweynihii hore Xasan Sheekh, Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo xubno kale oo labada dhina ka socda

Kulanka uu caawa Qoor Qoor ku casuumay musharaxiintan waxuu ku soo aadayaa iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka doorashada Soomaaliya, sidoo kalana aan weli lagu guuleysan inay shir isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha Galmudug ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, kadib safar qaatay maalmo oo dalka Turkiga uu ku joogay, waxaana weli Turkiga ku maqan madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

Waxaa jira xogo tilmaamaya in madaxda maamul goboleedyada ee taabacsan madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowaldda federaalka  ay doonayaan in gogosha shirkaas oo hadda Xalane taalla loo wareejiyo madaxtooyada.