Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Indhaha Caalamka Oo Maanta Ku Soo Jeeda Dalka Tanzania .. Maama Samia Suluhu Xasan Oo Loo Dhaarin-doono Madaxweynaha Tanzania

Thursday - March 18, 2021




Indhaha Caalamka oo dhami waxay u jeedaan madaxweyne ku xigeenka Tansaaniya, Samia Suluhu Hassan oo loo dhaarin doona Madaxweynaha cusub ee dalkaasi ka dib markii uu geeriyooday Madaxweynihii dalkaasi.

Sababta oo ah, sida uu dhigayo dastuurka Tansaaniya waxaa loo dhaarin doonaa marwo Samia madaxweynaha cusub iyada oo u adeegi doonta inta ka hartay shanta sano ah ee Magufuli oo bilaabmay sanadkii hore.

“Xafiiska wuu bannaanaan doonaa geerida darteed, ka dib waxaa loo dhaarin doonaa Madaxweyne Ku-xigeenka, waxaana loo magacaabi doonaa Madaxweynaha muddada aan dhammaan ee muddada shanta sano ah.” Dastuurka Tanzania ayaa qabaa.

Haddii loo dhaariyo marwo Samia Suluhu Hassan madaxweynaha Tanzania, waxay noqoneysaa haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota dalka Tansisania .. Samia Suluhu Hassan oo hadda ah madaxweyne ku xigeenka Tansaaniya waxayna dhalatay 27 Janaayo 1960 (waa 61 jir.)

Siyaasadda ayey muddo ku soo jirtay waxayse shaqada dawlada ka soo bilowday 1977-kii garaacista ama qorista teebka (waa qalabkii wax lagu qori jiray hor kumbuyuutarada).

Samiya dawladdii 44 sano ka hor ay u bilowday shaqadas ka mid aheyd kuwa ugu hooseeyaa maanta iyada ayaa haysa u haysa xilka ugu sarreeya

Samiya ayaa xilka sii hayn doonta muddo xileedkii u harsanaa Magufuli oo ku eg 2025.
Mama Samia Suluhu Hassan oo loo yaqaan ‘pipo’ waxay ka timid ismaamul goboleedka Zanzibar, oo qiyaastii 99% Muslim ah.

Samia Suluhu Hassan waxay daraasad ku sameysay tirakoobka Machadka Zanzibar ee Maamulka Maaliyadda ka dibna waxay ka qalin jabisay Jaamacadda Mzumbe sanadkii 1986 iyadoo qaadatay Dibloomada Sare ee Maamulka Dadweynaha.