Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Hambalyo Hambalyo .. Bilashada Biisha Ramadaan Ee Caawa Ino Bilaabatay .. Ramadaan Mubaarak Ramadaan Wanaagsan

Monday - April 12, 2021


Dhamaan Akhristayaasha sharafta leh ee sida gaarka ugu taxan shabakadaan Galdogob Times, salaan ka bacdi waxaan halkaan idin ku hambalyeynaya bilashada biisha Ramadaan ee caawa ino bilaabatay .. Waa bil cibaado waa bil soo koobtay nicmooyinka Alle ku abuuray Aduun iyo Aakhiraba ee gaarka ugu yeelay dadkiisa Muslimiinta ah ee adeecidiisa ajiibay

Akhristayaashow waa inoo camal suuban waana lagama-maarmaan in Qof waliba oo musllim ah inu sameeyo ficilo wanaagsan oo Alle raali galiya, taaso ah in aad oogtaan Salaada, Soonka iyo caawinta dadka jiran isla markaana sadaqada oo la siiyo masaakiinta xitaa waa waajib in la caawiyo cadawgaaga kuu baahan

Akhristayaashow, Rabigiin isku haleeya oo iska ilaaliya Dhalanteedka lagu daato oo qaarkiina ay dhici karto iney darajo moodaan .. wax laga tageyna ha xalaaleysanina, teeda kale iska ilaaliya waxaan damac lahayen darajo loo yeelo .. sido kale mid aan loo duceyn darajo ha saarina .. Ugu dambeyn waxaan idin leeyahay: Allaha dhamaanteen ha nagu daro Kitaabka lagu keydiyo magacyada Ehlu-Janada .. Labada Jid ayaa qof walba sugeysa jidka wanaagsan kan kheyrka Allaha na marsiiyo ..  Dabciga waa sad weyn Ee Rabow ha naga yeelin Waji cara soo saara .. Khaatumo wanaagsan Allaha nagu arsaaqo .. Duruufaha Hawada dulun-dulceynaya ee na dhex rooreysa Ebow magane .. Allahayow ducada naga aqbal deeqsi baa tahaye .. Aamiin Aamiin Aamiin