Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Akhbaarti Zamaanki Hore .. Sidee Xaawo Loo Abuuray " ILaahay Qabrigeeda Ha Nuuriye"

Tuesday - April 13, 2021


Inkastoo ay jiraan qisas badan oo ku saabsan markii iyo sida Xaawa loo abuuray, hadana kama haysano war cad oo  ugan arinkaas, hasa ahaate waxaa Aayadaha quraanka uun laga fahmay in Xaawo iyo Adam laga abuuray Hal Naf oo isku mid ah .. Adam CS waxaa la abuuray Xawo horteed.

Qaar ka mida culimada taariikhda ayaa soo jeediya aragtida ah in Xaawo laga aburay Adam xubin ka mida Adam oo sida ku fadhido tilmaan bixinta quraanka ee ah: Kana Abuurnay Naf kaliya kana ahaysiyey xaaskiisa .. Quraanku wuxuu cadeeyey in dhamaan dadkoo dhan lag abuuray Naf kaliya, Xaawana laga abuuray iyada oo ay ka tyimi naftaas .. yacni iyadu waa ruuxada Nabi Adam CS ama naftiisa

Markii Ibliis (Shaydaanka) laga cayriyay jannada (denbiga uu galay awgiis), Aadam (CS) waxaa loo diray jannada. Waxa uu halkaa ku sugnaa oo joogay muddo keligiis, isagoo aanay wehelin cid uu ku xasilo .. Wuxuu keligii war-wareegaba hurdo ayuu la dhacay; markii uu kacay, wuxuu arkay haweenay illaahay ka abuuray feertiisa. Wuxuuna waydiiyey oo yiri: Maxaad ahayd? Haweenaydii waxay ugu jawaabtay “waa gabar.

Ka dibna Adam CS wuxuu waydiiyey haweenaydii sababta loo abuuray?. Waxay ku jawaabtay “inaad igu nasasho qaadatid” isla waqtigaas waxaa arkay malaa’igtii waxayna Aadam waydiiyeen waa tuma iyagoo garashadiisa tijaabinaya .. Aadam (CS) wuxuu yiri waa Xaawa, (Xaawa). Markii Malaa’igtu waydiisey sababta uu magacaa ugu bixiyey, wuxuu yiri maxaa yeelay waxaa laga abuuray wax nool. 

Aynu eegno qisadii kale ee Bukhaari, Rasuulkii illaahay wuxuu yiri “Dumarka ula dhaqma si wanaagsan, maxaa yeelay dumarka waxaa laga abuuray feer” Riwaayad kale waxa ay tiri : Sida feer oo kale” feertuna way qaloocan tahay, haddaad isku daydid inaad toosiso, way jabaysaa, laakiin hadaad u deysid sida ay u samaysan tahay, sideeda (qalooceeda) ayay ahaanaysaa. Sidaa awgeed ula dhaqma haweenka si wanaagsan oo debecsan”.. Haddaad isku daydo inaad toosiso, way jabaysaa, jabitaan -keeduna waa kala tag iyo furiin.