Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Akhbaarti Facda Weyneyd Ee Zamaanki Hore .. Qaybti Labaad Ee Abuuristi Nabi Adam Cs

Thursday - April 15, 2021



Laakiin Ibliis markii janada laga ceeriyey  kuma herin intaas kamana quusan ee wuxuu isku diyaa-jiyay maalin kasta sidii uu nabi Adam iyo Xaawo uga saari lahaa janada. Albaab kasta oo janada malaa’ikta ayaa waardiyo ka aheyd si ibliis janada uusan u gelin .. Ibliiis maalinkasta wuxuu u tagijiray xayawanada oo markaas hadli jiray wuxuuna ku dhihi jiray janada i-geliya   
Maalin maalmaha kamid ah waxaa ibliis ku soo qaday ilkaha Abeeso soona galisay janada. Meeshaas wuxuu ka helay fursad , isla markiina wuxuu ku degdegey sidii uu nabi Adam u was-waasin lahaa ugana saari la haa janada. 

Ibliis wuxuu kula taliyey Nabi Adam in uu cuno geedkii Alle ka reebay ama ka xarrimay kuna caasiyo illaahiisa. Nabi Adam wuu ka diiday waxii ibliis usoo bandhigay iyo in uu ku caasiyo rabigiis. Ibliis wuu ka quustay nabi Adam kuman guuleysan in uu cunsiiyo geedkii, laakiin ibliis wuxuu u degdegey Xaawo kuna waaniyey in ay cunto geedka. Ibliis wuxuu ku dhahay Xaawo iyo Adam in uuna illaahay ka reebin geedka illaa inuu unacaayo inay noqdaan labo malak oo waaro .. Xaawo geedkii  eyey goosatay  kadibna cuntey madaama ibliis si fiican ugu sharaxay macaankiisa,  Xaawo markey cuntey geedkii waxey  ku qasabtey iney cunsiiso nabi Adam, laakin wuu ka diidey in uu caasiyo illaah. Xaawo waxay ku  dhahdey nabi Adam ima soo gashid ilaa aad soo cuntid geedka akteydane ka fogow.

Nabi Adam Cs murugo ayuu dareemey markey Xaawo la hadli-diidey taasine waxey ku qasabtey in uu cuno geedkii ilaah ka xarrimey. Intaas kadib Xaawo iyo Adam waxey ogaadeen in ay caasiyeen ilaah,  Xaawo iyo Adam janada ayaa laga soo saarey maadama ay caasiyeen ilaahay. illaah wuxuu ku yiri Xaawo iyo Adam u hoobta dhulka nolol ayaa idinku sugnaatey in muddo ah.

Xaawo iyo Adam waxaa laga soo kala tuuray Mako iyo india, Xaawo Maka-Jida nabi Adamne india, meeshaas ayey isku waayeen .. Nabi Adam Xaawo ayuu radiyey kadibne ilaah ayaa is haleeshiyey kadibne waxey aadeen Maka. Halkaas Adam iyo  Xaawo nonol ayey ka bilaabeen iyo sidii ay ugu dhaqmi-lahayeen dhulka korkiisa. 

Xaawo waxey  dhashey afartan carruur oo mataano ah (40) waxeyna  uureysatay (20) jeer. Waxaa kamid ahaa carruurta laba wiil oo la kale dhaho Qabil iyo Habil.  Sharciga markaas jiray wax uu ahaa in uu nabi Adam u guuriyo mataanka hore  mataanta danbe, waxaa xaraan ka ahayd in ay labo mataana ah is guursadaan.  Qabil  wuxuu diidey in uu gursado gabadhii guur ugu aadaneyd wuxuuna  yiri waxaa kaliya oon guusan mataanteyda laakiin gabadhaas xalaal uma aheyn. Meshaas waxaa ka dhashey caasinimo kale oo Qabil wuxuu ku caasiyey ilaah iyo aabihiis nabi Adam Cs. illaah wuxuu amrey Qabil iyo Habil in ay sadaqo la baxaan, qofkii la aqbalo sadaqadiisa ayaana guursan gabadha. 

Habil wuxuu ahaa qof wanaagsan wuxuuna sadaqeystey wixii ugu wanaagsanaa xoolihiisa madaama uu ahaa nin xoolaaley ah, laakin Qabill oo ahaa nin beeraaley ah wuxuu bixiyey wixii ugu xumaa beertiisa ..  illaah wuxuu aqbalay sadaqdii Habil madaama uu ahaa qof kheyr qaba. Qaabil intaas kadib wuu xanaaqey , sheydaan ayaana ka qaalib noqday wuxuuna go’aan ku qaatey in uu dilo walaalkiis Habil, kadibne dhagax ayuu ku diley. Meeshaas Qaabil dambi weyn ayuu xambaarey, qofk kasta oo maanta la dilo Qaabil dambiga qofkaas bar ayuu ku leeyahay, maxaa yeeley wuxuu ahaa Qaabil qofkii qof dilo ugu horeeyey aduunka .. Nabi Adam wuxuu  noolaa Kun sano,  Kun sano kadibne ilaah ayaa oofosaday. Nabi Adam CS malaa’ikta ayaa dhaqdey oo kafantey.

Maxaan kafaa’idi karnaa Qisada Nabi Adam?
Waxaan ka qaadan karnaa qisadaan kibirka oo sheydaan ku kibrey ilaahii abuuray, hadana ku caasiyey oo diidey amarkiisa, ibliis intaas oo dhan wuxuu u sameynaayey kibir, isla weyni  iyo xaasidnimo. Xaasidnimadu waa wax xun , xaasidnimadu qofka naar bay galin kartaa camalkiisana way baabi’in kartaa, waxyna keeni kartaa in uusan Ebe aqbalin. Sidaa darteed  inaan qalbigeena ka ilaalino xiqdiga iyo waxa camalkeena lagu aqbalin. Iska ilaali Waligaa in aad xasadid qof bani aadam ah.