Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

The Funniest Story Ever .. Waa Sheekadi Qosalka Badneyd

Friday - May 28, 2021


Labo nin oo saxibo ah oo xamaali ah oo aan waxba haysan iska xayraamo ah ayaa habeen iyaga oo Cariish ay deganaayeen hurda waxaa usoo dhacay Tuug, xoolo waxay ka haysteen haaf raashin ah oo ay xamaali ku soo heleen oo loo maleynaayo inuu bariis ahaa. Deetana tuugii gurigii buu suu u baarayay oo u baarayay goortuu waxba ka waayay ayuu wuxuu go'aan ku gaaray inuu bariiska qaar ka shubto ileen guriga wax kale ma yaalaane aan ka ahayn sijaayada ay ku hurdaan iyo haafkaa bariiska ah. 

Dabadeed shaarkiisii ayuu inta labaxay oo dhulka ku goglay ayuu wuxuu damcay inuu bariiska qaar ku shubto madaama in la cayrsado uu ka baqayo uusan haafka oo dhan wada qaadi-karin. Dabadeed labadii nin oo hurday midkood ayaa waxa uu arkay ninka guriga ku jira oo wax qasaya mindhaa ilaa caawana waa uu la socday sharqantiisa kadib aayar buu inta u soo kacay tuugii oo sii jeeda shaarkii u kala baxsanaa oo uu rabay tuugu inuu bariska ku shubto inta ka hoos qaday oo duuduubay ayuu barkaday oo meeshiisii uu hurday inta ku labtay aayar dug yiri. 

Tuugii waa uu soo jeenstay mise shaarkii waa maqan yahay oo meshiiba ma yaalo markaasuu yaabay oo argaxay oo hadba gees dhugtay niyadana wuxuu iska leeyahay guriga ma tuug kale ayaa ku jira, gooruu gab-gab leeyahay ayaa labadii nin oo hurday oo saaxibada ahaa kii sharka tuuga qarsaday maahane kii kale inta sharqanta guriga ka yeereysa ku toosay ayuu saaxibkiis ku yiri: war heedhe gurigu caawa sharqan badanaa ma tuug baa ku jira? Intuusan u jawabin kii shaarka tuuga qarsaday ayaa inta tuugii laftiisi soo booday ugu jawaabay: See baan guriga tuug ugu jiri hadaa meeyay shaarkaygii. kkkkkkk Waligay tuug ka indha adag ma arag.