Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Khaalid Bin Waliid RC: U Sheeg Fulaha Inaan Dagaal Lagu Dhiman Kol Haddaan Anba Furaash Dushi Geeridi Kula Kulmay .. Ninka Isha La' Ee Laf Dhuun-gashay Ku Noqday Israiil Oo Ay Dili-Waayeen

Tuesday - June 1, 2021




Inta badan waxa laga ogyahay halgamaag Deyif waa warbixinnada ay shaaciyeen warbaahinta Israa’iil iyo Falastiin. Waxay sheegeen in Deyif uu ku dhashay xerada Qaxootiga ee Khan Yunis ee ku taala Qaza 1965-kii .. Marku u dhashay waxaa loo bixiyey Maxamed Diab Ibrahim al-Masri balse markii dambe wuxuu la magac baxay Deyif, oo macnaheedu yahay “Marti”.. Wax badan lagama oga barbaarintiisii ​​iyadoo ay socdaan khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin oo raad aan la iloobi karin ku reebay Bariga Dhexe.

Halgamaa Deyif wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah xilligii la aasaasay Xamaas, markuu ku biiray kooxda dabayaaqadii 1980-kii. Isagoo u heellan iska caabin hubaysan oo ka dhan ah Israa’iil .. Deyif wuxuu si dhakhso leh uga dhex muuqday qaybta militariga ee Xamaas, Guutooyinka Czzedin al-Qassam.

Intii lagu guda jiray 2000 wuxuu ka badbaaday afar isku day oo ay Israa’iil ku dili rabtay, sida la sheegay uu ka baxsaday isagoo dhaawacyo qaba, qaarkood halis ah. Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay in dhaawac soo gaaray uu ishiisa ku waayay.

Taliyihii hore ee sirdoonka Israa’iil ayaa shaaciyay halista dhaawacyada Deyif kadib duqeyn dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ku qaaday guriga xubin ka tirsan Xamaas 2006-dii.

Isku daygii shanaad ee lagu bartilmaamsanayay nolosha Deyif ayaa yimid intii lagu jiray dagaalkii Xamaas iyo Israa’iil dhexmaray 2014-kii .. Israa’iil ayaa duqeyn cirka ah ku qaaday guri ku yaal xaafadda Sheekh Radwan ee Qaza, halkaas oo ay ku dishay xaaskii Deyif, ee Widad, iyo wiil-kooda yar, oo la oran jiray Cali .. waqtigaas Israa’iil waxay sheegtay inay dishay Deyif hasa ahaate, Wax yar kadib Xamaas waxay tiri “Deyif wali wuu nool-yahay wuuna hogaaminayaa howlgalka militari” ee ka dhanka ah Israa’iil.

Maalin ka hor inta uusan dhammaan khilaafa, sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in Deyif uu amrayo hawlgallada milatari ee ka socda Qaza. Waxaa la rumeysan yahay inuu xilka sii hayay tan iyo markii xabad joojinta ay dhaqan gashay.

Sarkaal ka tirsan ciidamada difaaca Israa’iil ayaa BBC u sheegay in dadaalka Israa’iil ay ku baadi goobayso Deyif uu socdo, laakiin uusan la wadaagi karin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan howlgalka sirta ah.

Xamaas waa ururka ugu weyn ee jabhadaha u dagaallama Falastiiniyiinta. Ururka oo la asaasay 1987 ayaa magaciisa waxa laga soo gaabiyay Xarakatul Muqaawamah Al-Islaamiyaha. Waxaa Xamaas ka go’an in ay burburiso Israa’iil.

Markii hore waxaa laga lahaa laba ujeedo oo kala ah: Iska caabin hubaysan oo uu fuliyo garabkiisa milateri Czzedine al-Qassam Brigades, iyo horumarinta bulshada.

Hase yeeshee kadib markii ay Israa’iil ka soo baxday Gaza sanadkii 2005, Xamaas ayaa qeyb ka noqotay hanaanka siyaasadda Falastiiniyiinta. Waxa uu ururka ku guulaystay doorashadii baarlamaanka ee 2006, sanad kadibna waxa uu la wareegay gacan ku haynta Gaza kadib markii uu ka eryay dhaq-dhaqaaqa Fatax.

Tan iyo markaas, ururka Xamaas ayaa saddex dagaal la galay Israa’iil. Xukuumadda Tel Aviv iyo dowladda Masar ayaa go’doomiyay marinka Gaza si ay ururka Xamaas ugu cadaadiyaan inuu joojiyo weerarrada .. Ururka Xamaas, gaar ahaan garabkiisa milateri ayaa waxaa argagixiso u aqoonsan Israa’iil, Maraykanka, UK, Midowga Yurub iyo dalal kale.