Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Alla Ka Magan Galnay Saaxiib Xun .. La Saaxiibida Dadka Wanaagsan

Thursday - June 3, 2021




LA SAAXIIBIDDA DADKA WANAAGSAN.
Ibnu Qayim RC, wuxuu yiri: La Saaxiibidda dadka Wanaagsan waxay ku Dhaxal siisaa inaad Lix dhaqan oo Xun ka Guuristooda una Guurtid Lix dhaqan oo Wanaagsan:

1- Shakiga inaad ka baxdo oo aad Yaqiin iyo kalsooni hesho.

2- Istuska inaad ka baxdo oo aad Camalkaaga Dar ILaahey u qabatid.

3- Moogganaanta inaad ka baxdo oo aad Xuska Alle Carabka ku heysid.

4- Jacaylka Adduunyo inaad ka harto oo aad Aakhiro Jeclaato.

5- Isla weynida iyo Is qaadqaadka inaad ka tagto oo aad Is Dhul dhigto.

6- Niyad Xumaanta inaad ka baxdo oo aad hesho Talo iyo Yididdiilo fiican.

Ilaahayow saaxiibo wanaagsan Nagu Kaalmee .. Dhamaanteen Allahayow nagu dar kitaabka lagu keydiyo Magacyada Ehlu Janada .. Allahayow adiga daraadaa Ducada loo daldalaya Ee Allahayow Ducada Naga Aqbal deeqsi baa tahaye .. Aamiin Aamiin