Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Khasaaraha Dhacay .. Nin Dabtay Kalluun Qiimihiisu Yahay 2.6 Milyan Dollar Oo Isagon Ogeyn Qiimaha U Ku Fadhiyo Ku Casumay Saaxiibadiis

Thursday - June 3, 2021



Nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Nigeria ayaa soo bandhigay sawirka kalluun aad u weyn oo inta uu soo dabtay kaddibna isaga iyo saaxiibbadii cuneen. Nasiibdarro ninkani ma’uu garanayn in kalluuni uu ahaa nooca afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo "Blue Marlin" oo ka mid ah noocyada dhifta ah, qiimaha aadka u qaaliga ahna lagu kala iibsado. 

Sida ay ku warrantay shabakadda "Business Insider" kalluunkan ayaa suuqa lagu kala iibsadaa 2.6 Milyan oo doolarka Maraykanka ah, halka talefishanka CNBC oo isaguna arrintan Warbixin ka diyaariyey uu sheegay in Nus kiilooga wax ka dhiman yihiin (0.45) ee hilibka kallunka "Blue Marlin" uu u dhigmo qiyaas ah 31-kun iyo 325 doolar .. Kalluunkan oo caadi ahaan kiisa dhediga ahi uu ka miisaan culus yahay kan labka ah, waxaa dhererkiisa lagu qiyaasaa 4.26 Mitir, miisaankiisana 900 oo kiiloogaraam.

Xeel-dheereyaasha caafimaadku waa ay ka digaan cunista kalluunka "Blue Marlin" maadaama oo ay maadadda ‘Mercury’ ku badan tahay, si kastaba ha ahaato ee hilibkiisa ayaa ah hilibka ay cunistiisa ugu jecel yihiin dadka jabbaanka ahi.

Ninkan oo diiday in magaciisa la sheego ayaa kalluunkan ka soo dabtay webiga, kaddibna markii uu arkay baaxadddiisa ayaa isaga oo aan garanayn qiimihiisa waxa uu ku casuumay saaxiibbadii iyo dadkii ku dhowaa si ay ula cunaan .. Kaddib waxaa baraha bulshada si weyn ugu faafay sawirro uu kalluunka iyo saaxiibbadii ka qaaday oo uu baahiyey. Muddo yar kaddibna waxa ay dadka iyo warbaahinta oo kalluunkan la yaabbani bilaabeen in ay xogtiisa baaraan, taas oo ay ku ogaadeen in uu yahay kalluun dhif ah oo lagu iibiyo lacag ka badan laba milyan iyo badh doolar .