Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Geeridi Khaalid Bin Waliid .. Waan Ka Xumahay Inaan Maanta Ku Geeriyoodo Sariirteyda Sida Awrku U Geeriyoodo, Oo Waxaan Jeclaa In Aan ILaahay La Kulmo Anigoo Shahiid Ah

Monday - June 7, 2021




Geesigi Saxaabigi weynaa Khaalid binu waliid ibnu Muqiirah "Seyfulaaah Almasluul" waxa uu ka dhashay qabiilkii reer banii Makhzuum oo kamid ah qabiiladii ugu waaweynaa jasiiradda carabta iyo magaalada Makah, reer banii Makhzuum oo ah qabiilka uu ka dhashay Khaalid ayaa meel sare iyo sharaf ku dhex lahaa qureysh xilligii jaahiliyada.

Khaalid Aabihiis ayaa ahaa Cabdu Shams Waliid Ibnu Muqiirah oo isagana ahaa nin magac iyo sharaf ku dhex laha qabiilkii reer banii Makhzuum iyo qureysh oo idil, waxa uuna ahaa nin xikmad badan kana mid ahaa gar-yaqaanada Qureysh inkastoo uu kamid ahaa ragii sida aadka ah u dhibay nabiga Maxamed NNKH.

Khaalid ayaa ka hor islaamidiisa kamid ahaa ragga sida aadka ah u necbaa diinta Islamka iyo nabiga NNKH shakhsi ahaan isagoo ku dadaali jiray in la cirib tiiro diinta Islamka, waxa uuna Khaalid binu Waliid ka qeyb qaatay dhaman dagaaladii dhex maray Muslimiinta iyo mushrikiintii Qureysh marka laga reebo dagaalka Beder oo uu ku maqnaa cariga Shaam .. Waxa uu dowrka ugu weyn ku lahaa Khaalid binu waliid jabkii ciidamada Islaamka soo gaaray dagalkii maalinti Uxud .. Khaalid ayaa sidoo kale kamid ahaa raggii ugu firfircoona ee Madiina soo weeraray dagaalkii Axzaab ama khandaq

Khaalid binu waliid ayaa naceybka uu Islaamka u qabay aawgii ka hor islamidiisa magaalada Makah isaga baxay markii ay saxaabada rasuulka Makah soo galayeen sanadkii xigay ee xudeybiyah markii arintaa lagu heshiiyay sanad ka hor isagoo diidanaa in uu arko nabi Muxa’ed iyo asxaabtiisa oo gudaha usoo galaya magaalada Makah .. Ninkii Islamka u qabay naceybka intaa la'eg ayaa mar qura isku badaly geesi kamid ah geesiyaasha Islaamka, seef kamid ah seefihii sharafta iyo guulaha u soo hooyay diinta islamka ilaa markii dambe logu magac daray seeftii Alle.

Khaalid binu Waliid ayaa ku hanuunay diinta Islaamka ee sharafta leh bishii safar sanadkii 8-aad ee hijriyada lix bilood kahor fatxu Makah kuna beegneyd kahor laba bilood dagaalkii Mu’tah, waxaana islaamidiisa isaga iyo nabiga u kala dab qaaday walaalkii waliid ibnu waliid.

Naceybkii islaamka ee khaalid ayaa isku badalay jaceyl, muslimiintii ayaa ku farxay islamka Khaalid, wixii markaas ka dambeeyay Khaalid binu Waliid waxa uu kamid ahaa geesiyasha Islaamka.

Furitaanki Makah kadib Khaalid ayaa hogaanka u qabtay ciidamo dhowra oo uu nabiga u kala diray dhulalkai carabta si loo soo babi’iyo sanamyadii ay caabudi jireen Mushrikiinta waxa uuna khaalid gacantiisa ku dumiyay sanamkii ugu weyna ee qureysh ay caabudi jireen ee cuzaa oo ku yalay meeshi la oran jiray barnu dakhlah.

Khaalid binu waliid ayaa gacan weyn ka geystay dagaaladii lala galay murtadiinii ka baxday diinta Islaamka markii uu nabiga geeriyooday isagoo ka takhalusay hogaano badan oo Islamka lid ku ahaa oo waqtigaa soo baxay sida ninkii nabi nimada sheegtay Museylamatul kadaab oo lagu dilay beertii xadiiqatul mowt .. Khalid binu waliid ayaa seeftiisa Islaamka ugu soo celiyay qabiilo badan oo diiday sakada iclamiyayna in ay ka baxeen diinta Islaamka waqtigii Abuu baker Sidiiq.

Khaalid Seyfulaah ayaa ahaa hogaamiyihii furaha u ahaa in Islaamka in uu gacanta ku dhigo dhulaka Ciraaq, furus, Shaam iyo Ruum isagoo jiiray dhufeysyo badan oo ay adkeed in laga gudbo hase yeehsee lagu dar daray qidado caskari ah oo uu isaga handasay.

18-kii bisha Ramadaan sanadki 21-aad ee hijriyada ayuu geeriyooday geesigii weeyna ee Islaamka Khalid Binu Waliid markii uu sakaraatka usoo xadiray ayuu ilmeeyay oo murugooday Khaalid isagoo ka xun in uu maanta sariirtiisa ku geeriyoodo oo waxa uu jeclaa in uu ilaahay la kulmo isagoo shahiid ah waxaana hadaladii ugu dambeeyay ee laga hayo kamid ahaa "waxaan joogay dagaalkaa iyo dagaalkaa waxaan xaadiray macrikadaa iyo macrikadaa .. korkeyga meel fayow ma lahan oo dhamaan waxa ku yala dhaawacyo mantana waxaan ku geeriyoonayaa sariirteyda sida awrka uu u geeriyoodo.