Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Daryeel Qaran Ha Joogte Doqonki Maqiiqani Dadka Wuu Galaafta .. Cirsan-ka Yeerki Xuquuq Aadanaha Qaramada Midoobay Maantana War Buu Sheegay In Farmajo Dhallinyaradi Somalida Itoobiya U Sadaqeeyey

Tuesday - June 8, 2021



Qoral ay soo saartay Qaramada Midoobay qaybteeda Xuquuq Adanaha ayey ku sheegtay in dagaalka ka dhacay gobolka Tigreyga ee itoobiya ay si toosa uga qaybgaleen dhallinyaro somaaliyeed oo marki hore tababar loo geeyey dalka Eritrea, kuwaaso si qoor qabad ah forontada dagaalka loo geeyey.

Warbixinta ayaa sido kale qoraalkeedi ku xustay in askartaas somaliyeed laga raray xeryihi ay ku tababaranayeen, dabadeedna la geeyey jiida hore ee Tigreyga, halkaaso ay ku waheliyeen ciidamada Eritrea marki ay ka gudbayeen soohdinta itoobiya .. 

Farmaajo iyo dowladdiisa ayaa muddo qarinayey in ciidan la geeyey Eritrea, hase yeeshee waxay markii ay soo baxday qirteen inay jiraan ciidan halkaas tababar loo geeyey balse beeniyeen in loo gudbiyey gobolka Tigray, hase yeeshee warbixinta QM waxay soo xirtay albaabkii beeninta ee dowladda federaalka.

Meel kasta oo shucuubta somaalida ay joogtaba, Durba waxaa ka billowday Mowjado siyaasadeed oo waa-weyn kadib markii ay ka hadleen qaar kamid ah Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, Senatoro, Xildhibaano iyo waalidin carruurta dhalay. 

Madaxweyne Farmaajo oo hore u qabay dhaawac culus oo ka soo gaaray dhiibistii Qalbi Dhagax ayaa hadda wajahaya mid taas kasii daran haddii uusan la imaanin cadeymo muujinaya in carruurtaas nool-yihiin, oo uusan dib ugu soo celin waalidkooda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sanadkii 2017 olalihiisa ugu weyn ee codka ku helay ahaa Itoobiye naceyb balse hadda waxaa lugaha la galay falal aad u kharaar oo baal madow uu kaga qormayo taariikha Soomaaliyeed.