Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Kala Fikir Duwanaashaha Siyaasiyiinta Waxay Keentaa In Mawqif Laga Istaagi-waayo Arimaha Jira .. Maroodigi Iyo Lixdi Nin Ee Indhaha La'aa

Wednesday - June 9, 2021




Maalin maalmaha ka mid ah Lix nin oo indho la'a oo magaalo ku nool ayaa waxa ay maqleen in la magaaladooda la keeni doono Maroodi si uu maroodigaasi uga qeyb qaato dabbaal-deg sanadeedka ay qabsadaan .. Lixdi waxa ay u tageen boqorkii magaalada maamulayay si uu ugu fasaxo inay Maroodiga gacmahooda ku taabtaan,  maxaa yeelay waligood may arkin oo ma aysan suuraysan sida uu egyahay.

Boqorki wuu yeelay oo wuu u fuliyay codsigoodii, balse waxa uu shardi uga dhigay in uu nin waliba marka uu taabto Maroodiga uu sifeeyo ama tilmaamo sida uu maroodigu u egyahay.

Markii la gaaray maalintii uu dhacayay dabbaal-deggu, waxa ka soo qeybgalay dadkii magaalada oo dhan iyo boqorkii .. Lixdii nin waxa ay si hal-haleel ah u hareereeyeen Maroodigii, nin walibana waxa uu Maroodiga ka taabtay halkii ay gacantiisu kaga beegnayd. 

Lixdii Markii ay gacanta ka buuxsadeen, waxa ay bilaabeen inay sifeeyaan Maroodigu sida uu egyahay, yaga oo hortaagan dadkii iyo boqorkii.

kii koobaad: ayaa yiri: Maroodigu waxa uu u eegyahay xarig.
kii labaad: ayaa isaga oo yaabban yiri: waa maxay Maroodiga iyo xarigan aad sheegaysaa?, war Maroodigu waa gidaar.

kii saddexaad: ayaa qoslay oo yiri: xarig, gidaar bal nacsnimadan eega!. Maroodiguba waa Toorri weyn.
kii affaraad: ayaa isaga oo jeesjeesaya yiri: waxa aad Maroodiga ku sheegteen waa waxba kama jiraan, sidoo kale waxay dadka oo dhan ka aaminsanyihiin waa qalad. Maroodiga la inoo sheegaaba waa Mas buuran oo bilaa sun ah.

kii shanaad ayaa yiri: Waa maxay jaah-wareerkan idin helay, Maroodigu wax kale maaha ee waa Babiso weyn oo harag ka sameysan.

kii lixaad: baa qosol oodda jabsaday oo yiri: Malaa waxa aad taabateen Maroodi muu ahayn , Maroodiguba waa geed jiriddii.

lixdi nin mid walibaa uu sifeynayay Maroodiga, dadku wey qoslayeen, waxaanay ku qoslayeen tilmaamaha maadda ah ee lixdi nini ku sifaynayeen Maroodiga boqorka mooyane .. Boqorki waa uu dhuuxayay hadalkooda oo waxa uu dhuganayay xikmadda iyo murtida ka danbeysa tilmaamohooda.

 Markii ay dhameysteen ayaa uu soo istaagay Boqorkii, waxaanuu dadka faray in ay aamusaan.Waxa uu yiri: maxaad ku qoslaysaan?, nin walibaa run ayuu sheegay marka loo eego dhanka uu ka taabtay jirka maroodiga.
-Ka koobaad waxa uu yiri waa xarig waayo waxa uu taabtay Saynta Maroodiga .. Ka labaadi waxa uu yiri waa Gidaar waayo waxa uu taabtay Bogga Maroodiga .. Ka saddexaadi waxa uu yiri waa Toorey weyn, waayo waxa uu taabtay foolka Maroodiga .. Ka afaraadi waxa uu yiri waa Mas buuran waayo waxa uu taabtay gacanka Maroodiga .. Ka shanaadi waxa uu yiri waa Babiso harag ka sameysan waayo waxa uu taabtay dhagaha Maroodiga ee ballaaran mid kamid ah .. Ka lixaadi waxa uu yiri waa jirid waayo waxa uu taabtay lugta maroodiga ee adag.

sidaas ayaa uu mid walibaa u haleelay qeyb kamid ah xaqiiqda jirka maroodiga . Haseahaatee gefka weyn ee ay galeen waxa weeye, dhamaantood iskumay dayin inay dhinacyo kale ka eegaan oo ka taabtaan Maroodiga, taas ayaa keentay in uu mid waliba isku qanciyo in uu isagu sax-sanyahay oo uu gartay hummaaga Maroodiga. 
Innaguna sidaas oo kale marka aynu aragno qeyb xaqiiqda ka mid ah, waxa aynu aaminnaa qeyb taasi in ay tahay ta saxda ah .. Dabadedd weynu ku gacan adeygnaa, weynu u eexanaa, waxeynu la dagaalanna cid walboo ka hortimaada ama dhaliisha, oo waxa aynu la dagaalanaa ra' yiyada dadka kale; waayo xaqiiqda dhinacyadeeda kale kameynaan eegine hal dhinac uun baynu ka eegnay.
ha ku eedayn qof kale in uu kaa feker iyo ra'yi duwan-yahay, waayo dhanka aad wax ka eegtay isagu kama eegin.