Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Biyo La Cabo Waa Caafimaad .. Faaiidooyinka Laga Helo Biyaha La Cabo

Monday - June 14, 2021



Subaxa hore marka aad kacdid waxaad u bahan tahay in aad cabtid Hal Galaas oo biyo ah, Galaaskaas biyaha wax badan ayuu wax u tarayaa jirka .. Faaiidooyinka laga helo biyaha waxaa ka mida Tamar siin dhanka maskaxda ah .. Kor u qaadida cafimaadka ee Kilyaha.

Biyaha la cabo waxay ka hortagaa in ay dhawac soo garaan Kilyaha iyo in aysan ku sameysman dhagxaan iyo Isku dheeli tirka aashitada caloosha, sido kale Biyuhu waxay soo saaraan qurxinta Maqaarka

Biyaha waxay kor u qadaan candhuufta ama sameynta candhuufta, Haddii uu jirka ku yar yahay biyaha waxaa khatar gali-kara in ay dildilacaan bishimaha iyo maqaarka.

Dhiiga jirka100-kiiba 90% waa Biyo .. jirka wuxuu u bahan yahay Biyo joogta ah si ay xubnaha jirka u helaan oxygen waxaad u bahan tahay in aad cabtid 3 liter oo biyo ah maalintii

Culumada cafimaadka waxay shegaan Biyaha in ay yareeyan misaanka halka kuwa qarkood yirahdaan Cab hal galaas oo biyo ah cunnada ka hore si dheefshiidka caloosha isku dheeli-tirmaan .. Cabidda biyaha waxay la dagalamaan hurddo yarida qofka waxay siyaan hurdo isku dheeli-tirsan..

Cabidda biyaha badan waxay yareyaan stresska,walwalka iyo isku buuqidda dhanka maskaxda ah.
Jirku waxaa uu biyaha ka helaa saddex ilood: kow waa cabitaanka caadiga ah sida biyaha iyo cabitaanada kale ( shaaha, qaxwada iyo wixii la mid ah)

Waxaa kale oo uu jirka ka helaa biyaha cunnada caadiga ah ee la cuno siiba qudaarta (xitaa cunnada sida rootiga waxay leedahay qeyb yar oo dareere ah).

Inta badan dadka caafimaadka qaba ee qaangaarka ah inta u dhaxeysa liitar iyo bar ilaa saddex liitar oo biyo ah ayey u baahan yihiin maalintiiba marka waa in qofku hiigsadaa inuu cabo ugu yaraan 8 galaas oo biyo ah maalintiiba .. Intaas waxaa u dheer qofku in sidoo kale uu cabo cabitaannada kale sida shaaha iyo sharaabka kale ee la sameeyo.