Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Caafimaadka .. Dhiig L'aantu/ Anemia Ma Aha Micnaheeda In Qofka Dhiig Ka Dhamaaday Ee Waa Cilad Ku Timi Dhiiga Cas

Tuesday - June 15, 2021




Dhiig la'aantu waa sida adigoo kirli shaah ah haysta balse sonkortu ku yartahay, tayadi dhiiga baa yaraatay ee ma ahan tirada.

Dhiigu wuxuu ka kooban yahay: Unugyada dhiiga Cad, kuwa dhiiga Cas, unugyada dhiig xinjirowga, iyo qaybta dheecaanka oo ah qaybta ay ku dhex dabaashaan unugyada dhiigu, haddaba marka laga hadlaayo dhiig la aan, waxaan ka hadleynaa cillad ku timi unugyada dhiigga Cas.

Unugyada Dhiiga Cas waxay ka kooban yihiin, wax la yiraahdo hemoglobin HB qaybta Oksijiinta jirka.
qaybtani waxay muhiim u tahay in cuntada loo bedelo Tamar, waana wax aaney la'aanteed noloshu jiri Karin.

Haddaba Dhiig la’aantu waa in unugyadi dhiigga cascasaa ay yaraadaan ama jiradaan taas oo sababta in Hemoglobin yaraado isla markaana wixii oksijiinta inoo qaadayey saas ku yaraadaan.
Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah
1. Ciddiyaha faraha oo sidii qaaddo camal soo gota.
2. Indhaha gudahooda oo caddaada.
3. Wadna garaac
4. Daal iyo tabar darri.
5. Neef tuur.

Dhiig la’aantu ma ahan hal nooc, waxaase jira dhowr nooc, hase yeeshee midda ugu badan wadamada soo koraya sida soomaaliya, waa nooc loo yaqaan (iron defiance anemia) nooca macdantu ku yaraatay.
Dhiig la’aanta noocaan ah waxaa sababa in qofku aanu helin ama jirkiisu qaadan waayo macdanta muhiimka u’ ah unugyada dhiigga cascas.

Daweynta waxaa ka mid ah dhiig ku shubid, tan oo dadka wacyigooda caafimaad hooseeyo aaney fahmin, Ayna dhacdo markii la yiraahdo qofku waa dhiig ku shubid in ay u qaataan halis caafimaad.
Haddaba waxaan is xasuusineynaa dhowr arrimood.

1. Haddii dhakhtarku adiga ama qof kaleba u sheego in dhiig ku shubid dawadiisu tahay haku degdegin in aad diiddo ama waxyaalo kale kula meeraysato sida nafaqayn iyo wax la mid ah.

2. Qudaarta cagaaran waxay kor u qaaddaa ama xoojisaa dhiigga cascas.

3. Dhiig la’aanta soo noqnoqta mararka qaar waxay sheegtaa kansarka dhiigga raaca ama kansarro kale, saas owgeed ha dhayalsan hadaad ku ogtahay ehelkaaga ama adiguba.

Fiiro gaar ah: haddii qofka dhiiggu ka daato ama dhaawac ha keeno ama fooli ha keentee, waxaa dhacda dhiig la aan.
Xigasho Dr. Zarqaawi