Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Kala Sareynta Dadka Waa Xaga Taqwada, Caqliga Iyo Edebta Ee Ma Ahan Taajka iyo Abtirsiga .. Qiso Dhex Martay Boqor Iyo Nin Miskiin Ah

Thursday - June 17, 2021


Boqor cusub oo dhawaan boqortinimo loo caleemo saaray ayaa socdaal ku soo booqday Tuulo caasimadiisa ku qabsan .. Dadki Tuulada oo dhan ayaa ka hor tagay boqorki oo soo dhaweeyey

Markii uu Boqorkii u Magaaladii soo galay, ayaa waxuu arkay lana yaabay Nin aan ka qeyb gelin soo dhaweyntiisa iyo aragtida Boqorka cusub .. kadib boqorki ayaa ninki cagihiisa ugu tagay oo weydiiyey sababta kaliftay oo u uga soo qayb gali waayey soo dhaweyntiisa.

Ninki ayaa ugu jawaabay oo yiri: Hadda ka hor Boqor hore ayaa Magaaladan soo booqday. Kabacdi markaan u tagay ayaa duufaan iyo roob xoog-lihii la kulmeen kadib boqorki iyo ciidan badan oo la socday wey geeriyoodeen, Kabacdi Boqorkii waxa lagu aasay xabaal halkaa ku taala

Waxaa dhintay isla maalintaas Nin Tuuladan u dhashay , Boqorkii xabaashiisii iyo xabaashii Ninka jaar bay noqdeen, dabadeed waxaa da'ay Roob mihigaan ah oo Daad badan sameeyey .. Daadki waxa uu soo qufay xabaalihii oo lafahoodii buu debeda soo dhigay

Waxa isku dhex qasmay Lafihii Boqorka iyo Kuwii Ninka kale ee asna dhintay, kadib lafahoodi waa la kala saari kari waayay oo la kala garan waayay illa marki dambe la isku wada aasay .. Boqorow Maalintaa laga bilaabo, cidna kama haybadaysto, waxaanan ogaaday in la wada Siman-yahay oo la kala sarayn .. Boqorow xilkasta hay Dadka ayaad la mid tahay.
Boqorki ayaa la yaabay xikmada Ninkii Saboolka ahaa, dabadeedna isagoo xishoonaya ayuu meeshi isaga tagay